Taliska Militariga oo Kooxda Alshabaab ku eedeeyay dagaalkii saaka Muqdisho ka dhacay.
Bartamaha(Muqdisho):-Taliska Ciidamada Militariga Dowlada Soomaaliya ayaa Alshabaab dusha uga tuuray masuliyada dagaalkii manta Muqdisho ka dhacay isagoo guula ka sheegtay dagaalada.
Col.Aadan Maxamed “Kaalmooy†Afhayeenka Maanta la magacaabay Ee Ciidamada Militariga ayaa shaaca ka qaaday in Kooxda Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen fadhiisinka Ciidamada Ee Wadada Makka Al-Mukarama.
Afhayeenka ayaa sheegay in dhankooda aanu jirin wax qasaara ah oo ka soo gaaray dagaalka balse ay arkeen maydadka ay wadooyinka kaga carareen Kooxda Alshabaab .
Afhayeenka Ciidamada Militariga Col.Aadan Maxmed Kalmooy ayaa sheegay in dagaal walba oo magaalada ka dhaca ay masuul ka tahay Kooxdaasi oo uu sheegay in ay adeegsanayso dhallaan la soo qalday.
Lama oga qasaaraha kala gaaray Amisom iyo Dowlada oo dhinac ah Iyo Kooxda Alshabaab oo maanta dagaalka ka dhacay Wadada Makka Al-mukarama u kali noqotay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments