Calendar

Taliska Militariga Dowlada Fd oo wacad ku maray wax ka qabashada Ciidamada dhibaatayna bulshada.

carsaanyo copyBartamaha(Muqdisho):-Taliska Ciidanka Militariga Dowlada KMG ah ayaa shaaca ka qaaday in ay wax ka qabanayaan ammaanka Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciinka Militariga Dowlada Soomaaliya Farxaan Carsaanyo ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan ammaanka guud Ee Muqdisho.

Farxaan Carsaanyo ayaa ku goodiyay in ay dilayaan askarigii ay ku arkaan dhac uu u geysanayo shacabka islamarkaan ay Ciidan gaar ah u saareen la dagaalanka Burcada dareeska wadata.

Afhayeenka ayaa ka codsaday dhammaan Ciidamada Dowlada in ay xertaan dareesyada lagu yaqaan si loo baaro dadka ku soo dhex dhuumanaya.

Hadalka Afhayeenka Ciidamada Militariga ayaa ku soo aadaya xilli Ciidamada Militariga qaarkood ay wadooyinka isbaaro soo dhigteen oo aanay jirin cid isku howshay ka qaadidooda.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: