Taliska Dowlada KMG Soomaaliya oo beeniyay in Alshabaab ay gudaha u galeen deegaanka Jasiira
Abaanduulaha Ciidamada XDS Gen. C/kariin Yuusuf “dhegobadan” oo galabta la hadlayay warbaahinta gudaha magaalada Muqdiusho ayaa beeniyay wararka sheegaya in Alshabaab ay manta la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Jasiira ee Sh/hoose.
Gen. C/kariin Yuusuf “dhegobadan” ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciidamo ka tirsan Dowlada KMg ah ay hatan ku suganyahiin deeganka Jasiira ee Gobolka Sh/hoose,halkaasi oo la sheegayay inay isku hor fadhiyaan ciidamada dowlada iyo kuwa alshabaab.
Hadalka Jenaraalka ayaa imaanay xilli maanta warbaa qaar ka mid ah warbaahinta gudaha Muqdisho ay sheegeen in alshabaab ay gudaha u galeen deegaanka Jasiira,isla markaan ay dhufeyso badan ka qoteen meelo muhiim u ah deegaanka,balse waxaa warrkaasi oo dhan gaashaanka u daruuray Gen. C/kariin Yuusuf “dhegobadan” .
ka sogow hadalka Gen. C/kariin Yuusuf “dhegobadan” waxaana suurta gal aheyn in si fudud ay Shgabaabka u galaan gudaha deegaanka madaama ay deegaanka ku suganyahiin ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom oo halkaasi xurumo badan ku lehg.
Waxii ku soo kordha oo war ah xaalada deegaanka Jasiira kala soco www.Bartamaha.com
Comments
comments