Calendar

Taliska Dowlada Jubooyinka oo Iclaamiyay dagaal ku wajahan Goboladaas.

doolowBartamaha (Kismaayo):- Taliska Ciidanka Dowlada Ee Gobolada Jubooyinka ayaa wacad ku maray in dhawaan ay weerar ku qabsanayaan Gobolada Koonfurta Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidanka Dowlada Jubooyinka Xirsi Xaaji Cabdi ayaa daaha ka qaaday in dhawaan ay duulaan ku yihiin dhammaan Gobolada ay maamulaan Xoogaga Islaamiyiinta Mucaaradka ku ah Dowlada KMG ah.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in ay wadaan qorshayaal ay kula soconayaan dhaqdhaqaaqa xoogaga Mucaaradka islamarkaana mar kaliya weerar ay ku soo yihiin Jubooyinka,Gedo,Bay iyo Bakool oo ay maamulaan Alshabaab.

Xirsi Xaaji Cabdi ayaa waxa uu xusay in Ciidanka Dowlada ay heegan sare galeen dhawaana ay yihiin kuwa ku soo wajahan deegaanada ay xooga ku haystaan Alshabaab iyo Kooxda Xizbul Islaam.

Sargaalkan ayaa waxa uu hadalkiisa u muuqday mid kama danbays ah oo ay Ciidanka Dowlada ku samaynayaan dhaqaaqii ugu horeeyay ee ku wajahan gobolada ay maamulaan Xoogaga Islaamiyiinta.

Dhawaanahan ayaa la hadal hayay dhaqdhaqaaq xoog badan oo ay Xadka Kenya iyo Somalia ka wadeen askarta Dowlada ee lagu tababaray Deegaanada Woqooyi Bari Kenya kuwaasi oo la aaminsanyahay in ay duulaan ku yihiin Jubooyinka.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Kala xiriir:-


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: