Calendar

Taliska Ciidanka Militariga Dowlada Fd Soomaaliya oo manta baaq nabad ah u diray Kooxaha Mucaaradka ah

dhuumaalBartamaha (Muqdisho):-Taliska Ciidamda Militariga Dowlada KMG ee Soomaaliya ayaa ka dalbaday Xoogaga hubaysan ee kacdoonka ku ah Dowlada KMG ee Soomaaliya in ay joojiyaan dagaalada inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.

Taliyaha Ciidamada Xooga Soomaaliyeed Generaal Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo maantay shir jaraa’id ku qabtay Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday xoogaga  Al-shabaab iyo Xizbul Islaam in ay joojiyaan dagaalada inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.

“Bil qeyr iyo Fadli in lagu baaqo dhiig shacab waa Xaaraan marka walalaaha mucaaradka waxaan ugu baaqi lahaa in ay ka waantoobaan oo ay nabada aan diyaarka u nahay nala qaataan, Bisha Ramadaana ka faa’iidaystaan..” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Xooga Dowlada KMG ee Soomaaliya Gen: Dhuumaal.

Si kasta oo ay ahaato baaqan ka soo baxay Taliska ciidamada Xooga dowlada KMG ee soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili maalintii shalay hogaanka Ururka Xizbul Islaam ku baaqay dagaalo inta lagu jiro bisha Ramadaan.l

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: