Taliska Ciidamada Dowlada Fd Ee Gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in ay dib ula wareegeen goobihii dhawaan laga qabsaday Magaalada B/Weyne.
Bartamaha (B/Weyne):-Taliska Ciidamada Ammaanka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen deegaanadii dhawaan Kooxda Alshabaab ay ka qabsatay Magaalada B/Weyne.
Taliye xigeenka Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan Salaad Xareed ayaa saxaafada u sheegay in ay haatan gacanta Magaalada Balad-Weyne ku soo laabatay Ciidamada dowlada Fd Soomaaliya .
Col.Salaad Xareed ayaa sheegay in dhammaan deegaanada Magaalada Balad-weyne ay haatan ku suganyiin Ciidamada dowlada islamarkaana ay weeraro kaga saarayan goobaha ay ku suganyihii kooxaha Mucaradka.
Taliyaha ayaa dhanka kale qiray in Gobolka Hiiraan ay ku suganyihiin Ciidamo Itoobiyaan ah kuwaasi oo uu sheegay in masuuliyadeeda ay leeyihiin maamulka Dhexe Ee Dowlada Fd Soomaaliya.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments