Taliska Ciidamada Daraawiishta oo digniin u jeediyay Ciidamada kale Ee Dowlada.
Bartamaha(Muqdisho):-Taliska Ciidamada Daraawiishta Dowlada Soomaaliya ayaa maanta digniin u jeediyay qaar ka mida Ciidamada Dowlada ee dhaca u geysta dadka Magaalada ku dhaqan.
Taliye Xigeenka Ciidamada Daraawiishta Afrax Cali Afrax ayaa shyaaca ka qaaday in ay talaabo ka qaadayaan Ciidamada dhaca bulshada kula dhaqaaqa gaar ahaan deegaanka Ex-Cotrol Afgooye.
Afrax Cali Afrax ayaa sheegay in Ciidamada Daraawiishta ay toogan doonaan ciddii ay ku soo qabtaan dhac iyadoo bulshada u gaysanayo ama dhibaato kula dhaqmayso.
Taliye Xigeenka ayaa ku baaqay in Ciidamada Daraawiishta eek u sugan Deegaanka Ex-Cotrol Afgooye ay iska ilaaliyaan ciidamada ku soo dhexdhuumanaayo Daraawiishta ee bulshada dhibaataynaya.
Sargaalkaasi ayaa ugu danbayntii Ciidamada Booliiska iyo kuwa Militariga ka dalbaday in ay dareeskooda xertaan si look ala garto kooxaha dhaca gaysanaya iyo Ciidamada Dowlada.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments