Taliska Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo maanta sheegay in ay wadaan qorshayaal tababar loogu sameynayo Booliiska Dowlada.
Bartamaha (Muqdisho) Taliyaha Ciidamada Booliiska Dowlada Fd Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal tababar lagu siinayo Ciidamada Dowlada.
Taliyaha Ciidamada Booliiska Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan Ciidamo Booliis ah kana socda Amisom oo Magaalada Muqdisho soo gaaray kuwaasi oo uu sheegay in ay tababar siindoonaan Ciidamada Dowlada.
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Taliyaha Ciidamada Booliiska oo maanta saxaafada la hadlayay aya waxa uu sheegay in Ciidamada Booliiska intooda badan ay ku jiraan tababar la xiriira qaabkii ay uga shaqeyn lahaayeen Muqdisho iyo gobolada intaba.
Taliyaha Ciidamada Booliiska ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jiraan qorshayaal dhawaan Ciidamada Booliiska ay ku dhaqaaqi doonaan kuwaasi oo uu sheegay in ammaanka wax looga qaban doono.
Ugu danbayntii Taliyaha Ciidanka Booliiska ayaa waxa uu ugu baaqay Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed in ay dareeskooda qaataan islamarkaana ay u diyaargaroobaan tabar buuxa oo ciidamadaasi ay qaadan doonaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments