Calendar

Taliska Booliiska oo shaaca ka qaaday in ay la wareegeen Saldhiga Degmada Hodon Muqdisho.

barise.psdBartamaha(Muqdisho):-Taliska Ciidamada Booliiska Dowlada KMG ah ayaa shaaca ka qaaday in ay xalay la wareegeen Saldhiga Booliiska Ee Degmada Hodon Muqdisho.

Dagaalkii xooganaa ee xalay ka dhacay Degmada Hodon Muqdisho ayay taliska Booliiska Dowlada KMG ah guula ka sheegteen iyadoo ay tilmaameen in ay la wareegeen Saldhigaasi.

Col.C/laahi Xasan Bariise Taliyaha Ciidamada Booliiska Dowlada kmg aha ayaa sheegay in ay xalay qabsadeen Saldhiga Booliiska Degmada Hodon Muqdisho markii ay dagaal la galeen Ciidanka Xizbul Islaam.

Bariise afhayeenka Booliiska ayaa intaasi ku daray in Ciidanka aanay markii hore doonaynin howlgal toos ah balse ay weerar cabin ku sameeyeen Kooxda soo duushay ka diba ay qabsatay saldhiga Hodon.

“Saldhiga ayaan gaarnay waan soo kormeernay marka ay ciidanka Booliiska tageen Isgoyska Bakaaraha…..haa waxaan aragnay maydad iyo dhaawacyo ay ka carareen waanan soo bandhigi doonaa…”ayuu yiri afhayeenka Booliiska Dowlada KMG ah.

Hadalka Booliiska ka soo yeeray ayaan illaa haatan la ogayn madaama weli ay Ciidanka Dowlada iyo Islaamiyiinta ay kala joogaan Terbuunka iyo Ex-Dugsigii sare Ee Banaadir.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: