Taliska Booliiska Gobolka Banaadir oo sheegay in aanay u dul qaadan doonin sii joogitaanka Mucaaradka Caasimada Muqdisho.
Bartamaha (Muqdisho) Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay in magaalada Muqdisho aanay u qeebsami Karin Mucaaradka iyo Dowlada islamarkaana dhawaan ay nadiifin doonaan.
Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir Col.Axmed Xasan Maalin oo saxaafada Muqdisho kula hadlaya ayaa waxa uu sheegay in dhawaan dalka ay ka saari doonaan Islaamiyiinta ku soo duushay.
Col.Axmed Maalin ayaa sheegay in Muqdisho aanay ka sii jiri doonin Mucaaradka dagaalka maalin laha uga dhigay Ciidamada Dowlada oo qasaara uu ka soo gaaro dagaaladaasi.
Sargaalkaasi ayaa waxa uu ku hanjabay in dagaal ay kaga saari doonaan Muqdisho kooxahaasi oo uu ku sheegay kuwa doonaya dagaalada bisha Ramadaan oo kaliya taasina ay tahay mid aan Diinta ku wanaagsanayn sida uu hadalka u dhigay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments