Taliska Booliiska Dowlada Soomaaliya oo maanta tababar u soo afjaray Saraakiil Dowlada ka tirsan.
Bartamaha(Muqdisho):- Taliska Ciidanka Booliiska Dowlada Fd Sooomaaliya auyaa maanta tababar u soo gabagabeeyay Saraakiil Dowlada Fd Soomaaliya ka tirsan.
Munaasaba oo ahayd mid ay soo qabanqaabiyeen Taliska Ciidanka Booliiska ayaa waxaa goob joog ka ahaa madax sare oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya sida Wasiiro,Xildhibaano iyo Talisyada Ciidamada.
Taliyaha Ciidamada Booliiska Cabdi Qeybdiid oo ka hadlay ujeedada Xaflada ayaa waxa uu sheegay in 150-saraakiil dowlada ka mida ay dhamaysteen Tababar Ciidan iyo mid aqooneed oo loo sameeyay.
Tababarka oo ay bixinayeen Saraakiil sare oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay 150-sargaal ku bareen qaab dhaqanka Bulshada,Sugidda Nagad-galayda iyo qaabab kale oo inta badan la sheegay in sir ciidan ay tahay.
Munaasabada oo ay hadalo ka jeedeen madax sare oo ka mida dowlada soomaaliya ka mida ayaa waxa ay muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin tababarkaasi iyagoo sheegay in ay muhiim tahay in la dhowro dadka shacabka wax u soo bartay.
Â
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments