Taliska Booliiska Dowlada Fd Soomaaliya oo guula ka sheegtay dagaalo shalay galinkii danbe ka dhacay Isgoyska Ex-Control Afgooye.
Bartamaha(Muqdisho):-Col.C/laahi Xasan Bariise Afhayeenka Ciidamada Booliiska Dowlada Fd Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay guula ka gaareen dagaalo shalay gabal dhicii ka dhacay Isgoyska Ex-Control Afgooye.
Afhayeenka Booliiska oo maanta saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay isgoyska Ex-Control ay ku soo qaadeen kooxda Alshabaab islamar’ahaantaana ay ciidamadooda si xoogan isaga caabiyeen.
Col.Bariise ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen in ka badan 10-askari oo dhinacyadii weerarka soo qaaday ah isagoo ku faanay in ay hayaan qoryihii ay ciidamada ka furteen ka dibna ay astureen maydadka dhalinyaradaasi fekerka qaldan watay sida uu hadalka ugu dhawaaqay afhayeenka Booliiska.
Col.C/laahi Bariise ayaa sheegay in dagaalada iyo weerarada Ciidamadooda lahu qaadayo ay tahay sharci daro maadaama dowladu ay tahay mid Islaami ah kuna dhaqmeyso shareecada Islaamka.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa Wadada u dhexeysa Ex-Control Afgooye iyo deegaanka Sarkuusta waxaa ka taagnaa falal ammaan dara ah taasi oo ciidamada dowlada ay gawaarida kala dagayeen dadka ay ku tuhmaan in Islaamiyiinta ay xiriir la leeyihiin halka Islaamiyiintra dhankoodana ay caada ka yeesheen weerarada fariisinka Ciidamada ay ka joogaa Isgoyska Ex-Control Afgooye.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments