Takaasilay ku dacweysay magaalada Phoenix inay dhididkoodii & xoogoodii xaqirtay (VIDEO)
Bartamaha — Waxaa warqadan iyo video-gan noo soo gudbiyay Soomaali lagu dhibaateynayo garoonka dayuuradaha ee Phoenix, Arizona waxayna ka codsanayaan dhamaan Soomaalida inay daawadaan video-gan in badan, si ay Youtube-ka u tagto halka u saraysa isla mar ahaantaasna ay TV-yada Maraykanku qaataan video-gan warkuna uu u wada gaaro meel walba.
Fadlan daawo video-gan adigoo ku caawinaya. (Dad badan haday daawadaan waxaa suurtogal ah in TV-yada Maraykanku ay soo qaataan sheekadaan isla markaasna ay u helaan caawimaad xooggan)
Ka socota: Soomaalida Tagaasida ku wada garoonka dayuuradaha ee magaalada Phoenix ee gobolka Arizona.
Ku socota: Dhamaan Soomaalida walaalaheen ah.
Waxaan mudo 10 sanadood ah ku qabnay dhibaato city of phoenix iyo compeniyadi aan u shaqaynaynay oo noo gaystay dhibatoyin kuwaasoo ay waxba ka qabn waayeen. Mar kasta oo an la socodsiino,waxay noo gaysteen dhac iyo khiyaamo, mudo ayay nagu qadatay inaan hello cid naga caawisa akhirkiina waxaan helay loyar kas oo hore guulo uga muujiyay in uu kaga guulaysto case la mida kan oo kale, mudada dheer ayaan raadinaynay qareen noo dooda waana weynay sababtuna waxay tahay Looyarada Phoenix ma doonayaan inay ka horyimaadaan dowladda hoose ee magaalada laakiin waxaan hadda helnay looyar diyaar u ah inuu nala dagaal tago oo garabkayaga istaago.
Hada waxaan nahay soomaali iyo dad kale oo afrikaan ah, waxaan ka soo dhex baxnay dad badan oo loo gaystay dhibaatadan oo kale.
Arintayadu waxay u dhowdahay inay dhamaato dhowaan ,ujeedada hada aan rabnaa waxa weeyaan inaan culays ku saro saxaafadda video-gan.
Waxaan ka codsanaynaa qofkii qareen ama lawyer ah ama yaqaan sharciyada inay nala soo xiriiraan si ay noogu caawiyaan howshan.
Daawo video-gan
Comments
comments