Tahriibayaal Soomaaliyi ku jirto oo ku dhintay dooni ku qallibantay xeebaha talyaaniga
8 q0f oo tahriibayaal ah ayaa dhimatay kadib markii ay doon kula qallibmatay Xeebaha dalka Talyaaniga .
Tahriibayaashan oo doonayay inay tagaan dalka talyaaniga ayaa u dhashay wadamada Soomaaliya iyo Eritrea.
Saraakiisha Xeebaha talyaaniga ayaa waxa ay sheegeen in labadbaadiyay dad farabdan oo magangalyo doon ah kuwaasoo Qatar ugu jiray in ay dhintaan.
Qaramada Midoobay ayaa waxa ay sheegtay in inkabadan 7,800 Magangalyo doon Sharci dara ah ay soo gaareen dalka Talyaaniga Sanadkaan 2013 gudihiisa, waxayna ka digtay in dadka soo raacaya doomaha yaryar ee doonaya inay Yurub galaan ay qarka u saaranyihiin inay badda ku qallibmaan.
Boqollaal Soomaaliya oo tahriibayaal ah ayaa sannad walba aada wadamada waqooyiga Afrika si halkaas ay uga raacaan doomaha yaryar ee lagu tago qaarada Yurub taasoo mararka qaar keenta inay doomuhu la degaan amaba ay khatar u galaan inay qallibmaan.
Comments
comments