Calendar

Tahriibayaal Soomaali ah oo gaaray dalka Yemen.

tahriibayaal

Bartamaha (Nairobi):-Hay’adda Qaramada Midoowbay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaaa Qaabishay 30 Qofood oo Soomaali ah oo dhawaan gaaray dalkaasi Yemen.

Dadkani waxay isugu jireen Haween, Caruur iyo dad waaweyn sidaa waxaa lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dalka Yamen.

Tahriibayaashan Soomaalida ah ee dalka Yemen gaaray ayaa ka soo dagay xeebta Xadramoot ee dalkaasi Yemen ka tirsan.

Qaabilaadan uu Hay’adda UNHCR xafiiskeeda dalka Yeman u sameeyay Qaxootigaan Soomaalida ah ayaa imaanaya xilli Maalintii Axada ay Dowladda Yeman u dabaal degtay Maalinta Qaxootiga Caalamka ee 20-ka June, islamarkaasna ay soo qabanqaabisay Hay’adda UNHCR xafiiskeeda ku yaalla Magaalada Sanca ee Caasimadda dalka Yeman.

Dhinaca kale masuuliyiinta Yemen ayaa sheegay inay qabteen ka dibna xireen 7 ruux oo Tahriib ah oo u dhashay dalka Ethiopia. Yemen uma aqoonsana dadka Ethiopianka inay yihiin qoxooti.

Dalka Yemen waxaa ku nool in ka badan 150,000 oo Soomaali ah kuwaasi oo gaaray dalka Yemen tan iyo bilowgii 1992. markii ay burburtay dowladii Soomaaliya.

Soomaali fara badan oo ka haajirtay dagaallada ka jira gudaha Soomaaliya ayaa xilligaan ku sugan Kaamamka ay ku nool yihiin Qaxootiga ee ku yaalla dalka Yeman, waxeyn Kaalmooyin bani’aadaninimo inta badan ka helaan Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNHCR.

Ibraahim Da’ud Abdalle

Xafiiska Bartamaha ee Bariga Afrika.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: