Tahriibayaal gaari iska tuuray gudaha Magaalada Garoowe iyo dhimasho iyo dhaawac gaaray.
Bartamaha(Garoowe):-Dhalinyaro Tahriibayaal ah ayaa iska tuuray gaari Xamuul ah gudaha Magaalada Garoowe xilli ay doonayeen in ay baxsadaan.
In ka badan 40-ruux oo u badan Qowmiyada Oramada ayaa qaar ka mida ay isku dayeen in ay baxsadaan markii laga soo celiyay magaalada Boosaaso iyagoo gaarigii ay saarnaayeen ay iska tureen.
Waxaa dhintay 3-dhalinyara tahriibayaasha ah waxaana dhaawac soo gaaray qaar kale markii ay isku dayeen in ay ka baxsadaan gaariga oo ahaa mid u sii waday dhanka Xuduudka si ay dalkooda ugu laabtaan.
Saddexda dhimatay ayaa la sheegay in ay madaxa ku dhifsadeen Laamiga gudaha magaalada Garoowe sidaasina ay u dhinteen waxaana jira dhaawacyo kale oo soo gaaray dhalinyarada qaarkood.
Tahriibayaashan ayaa waxaa soo celiyay maamulka Boosaaso oo diiday in ay badda doon ka raacaan si ay u gaaraan xeebaha Dalka Yaman oo dad badan ay horay ugu la’deen.
Isku soo duub waa dhacdo la yaab leh oo dhalinyaro ay isku dilaan sidii ay uga tahriibi lahaayeen xeebaha Boosaaso oo dhawaanahan Puntland ay u istaagtay in la xanibop tahriibka.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments