Calendar

Tacsi: Ururka Isboortiga Puntland (PSCED) & Odayaasha reer Camden ‘’Allaha u naxariisto laacibkii Qaranka Marxuum Shiiqaaloow’’

TACSIUrurka Puntland Sports Culture and Education iyo Odayaasha Soomaalida degan xaafada Camden ee magaalada London  waxay si wadajir ah tacsi ugu dirayaan dhamaan bahweynta isboortiga Soomaaliyeed iyo qoyskii, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday  Allaha u raxmadee marxuum Mohamed Hussein Ali ‘’Shiiqaaloow’’ oo dhawaan ku geeriyooday caasimada dalka Soomaaliya ee  Muqdisho.

Waxaa tacsidan diraya mudanayaasha iyo marwooyinka kale ah:

Ugu horeyn Gudoomiyaha ururka PSCED mudane Bashiir Cabdulaahi ‘’Bashiir Gurey’’Ahmed Tigaane,Liibaan Ali,C/xakiin Tooge, Maryan Neero, Omar Sheekh, Hassan Ahmed,Mustafe Ali,Mohamed Ciise,C/weli Said,Mohamed C/laahi,Yassin Yare,C/qaadir Khaliif,Cali Ciise, Ismail Cascasey,Mohamed C/qaadir,C/risaaq Khaliif,C/casiis Khaliif,Said Shiddo,Cumar Takar,Sahro Cabdulaahi, Sheekh Daa’uud garwayne iyo Dr C/raxmaan Cunaaye.

Gudoomiye Bashiir Gurey oo ah madaxa ururka PSCED islamarkaana ka tirsanaan jirey ciyaartooydii hore ee Kubadda kolayga iyo xulka Qaranka dalka Soomaaliya ayaa isheegay inuu aqoon aad fiican u lahaa marxuumka islamarkaana ay ahaayeen saaxiibo ka wada tirsan jirey  ciyaartooydii kooxda gobalka Banaadir sanadkii 1973, waxana u yiri ’’ isku meel ayaan ku wada xareysnayn xiligaas ,aniga waxaan ahaa ciyaarayay kubadda koleyga isna kubadda cagta ayuu ciyaarayay, run ahaantii waxa u ahaa laacib weyn oo leh asluub iyo dabeecad aad u wanaagsan, islamarkaana aan ku aqaanay inuu ahaa nin dadka dhan ay jeclaayeen una dhaxeeyay’’.

Waxaan Allah uga baryaynaa inuu ka waraabiyo marxuumka Janadii fardowsa, dhamaanteena naga siiyo samir iyo iimaan ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay mudane Bashiir Gurey oo isna ahaa nin taariikh fiican ku leh kubadda koleyga dalka Soomaaliya, waxaana lagu xusuustaa inuu ahaa ninkii dhaliyay goalkii ugu horeeyay markii la furayay garoonka  kubadda koleyga ee 21 Oktoobar.

W/Q;Yusuf Yusuf

Sports editor of sspamedia

[email protected]

London

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: