Taariikh Nololeedka Raiisal Wasaaraha Cusub
Raysul wasaaraha cusub ee dalka ayaa maanta loo magacaabay Dr Cabdi Faarax Shirdoon Garaad oo ku magacdheer ‘Saacid’ oo lagu magacaabay wareegto uu ku dhawaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Haddaba waa kuma Saacid?
Magaciisa oo buuxa waa; Cabdi Faarax Shirdoon Garaad ‘Saacid’
Wuxuu ku dhashay; magaalada Dhuusamareeb, sanadkii 1958.
Sanadkii 1978; waxyar kadib markii uu ka baxay dugsiga sare, wuxuu ku biiray dugsigii tababarka ciidamada ee Xalane kadibna wuxuu ka mid noqday dhalinyaradii soo msrtay shaqada qaranka ee mudada halka sano ahaa.
Sanadkii 1983; wuxuu ka qalinjabiyey Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed [SNU] ee Gaheyr, wuxuuna qaatayt shahaadada koowaad ee jaamacada isagoo bartay culuumta dhaqaalaha.
1983- 1985; Wuxuu shaqaale ka noqday wasaaradda maaliyada ee dawladii dhexe ee dalka.
Sanadkii 1985; wuxuu ka tagay shaqada dawlada, wuxuuna furtay shirkad ganacsi oo uu isagu leeyahay.
Sanadkii 1991; markii ay dagaalada dheceen ayuu u guuray dalka Kenya, wuxuuna sameystay xafiis ganacsi oo lagu magacaabi jiray Shire Co. Ltd & Shaam. Wuxuuna halkaasi ka watay hawlihiisa ganacsi ee gaarka ahaa.
Bishii May 2012; Wuxuu Cabdi Shirdoon noqday gudoomiyaha urur la baxay ‘Rajo Forum’ oo uu isagu kaga dhawaaqay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.
6 Oktoobar, 2012; Wuxuu noqday raysul wasaarihii ugu horeeyay ee dawlad aan ku-meelgaar ahayn ee dalka Soomaaliya kadib markii uu magacaabay madaxweynaha.
Cabdi Faarax wuxuu leeyahay afar carruur ah, waxaana xaas u ah Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya isla markaana ahayd gudoomiyaha guddigii doorashada ee baarlamaanka.
Comments
comments