Taangi dumiyay dhismaha Idaacada Shabeele (Sawiro)
Baartamaha (Muqdisho):- Taangi ay leeyihiin Ciidanka Amisom ayaa galabta dhulka dhigay albaabkii Idaacada Shabeele iyo Boorkii astaanta u ahaa Idaacadaasi.
Mid ka mida Taangiyada Ciidanka Amisom ayaa galabta si bareer ah u jiiray albaabka Idaacada Shabeele iyo qeyb ka mida dhismaha Idaacadaasi oo ku taala agagaarka Garoonka Muqdisho.
Sida ay xaqiijiyeen Wariyayaasha Idaacada Shabeele waxaa galabta gudaha u galay dhismaha Idaacada Shabeele mid ka mida taangiyada dagaalka Ee Amisom oo aan la ogayn sababta uu u burburiyay dhismaha Idaacada.
Sida sawirada ka muuqanaysa Ciidanka watay Taangigaga Amisom ayaa waxa ay muddo ku hakadeen albaabka Idaacadaasi Shabeele waxaana muddo yar ka dib ay ka dhaqaaqeen idaacada ay ka dumiyeen albaabka iyo qeybta buurka uu ugu dhaganaa.
Daawo Sawirada:-
Xuquuqda Sawirada waxaa leh Radio Shabeele.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments