Sweden oo lacag malaayiin ah ugu yaboohday Soomaaliya
Dowlada Sweden ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay ugu deeqday Lacag dhan 300 Malyuun.
Kadib Shir maalintii Shalay ahayd lagu soo gabagabeeyo Magaalada Lund ee dalka Sweden oo ahaa Shirkii Sanadlaha ahaa ee 12aad kaas oo ay isugu yimaadeen Aqoonyahnada Dalalka Gobalka Geeska Africa.
Gebagabadii shirka ayaa Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Sweden waxey kaga dhawaaqday in Lacag dhan 300 oo malyuun ay sanad walba ugu deeqi doonto dalka Soomaaliya.
Shirkan oo ah Shir Sanadadla ah ayaa waxaa sanadkaan Diirada lagu saaray Kheyraadka, Khilaafaadka iyo Nabadda Gobolka geeska Africa.
C/laahi Maxamed Jaamac oo ahaa Agaasimaha Shirkaasi ayaa Waxa uu Warbaahinta u sheegay In shirka Sanadkaan lagaga hadlay Arimo badan oo muhiim u ah dalalka Geeska Africa, ayna dhanka kale ay si wayn u soo dhawaynayaan lacagaha loogu deeqay dalka Soomaaliya, ayna tahay Arintaasi Talaabo horay loo qaaday.
Comments
comments