Suxufiyiin Dowlada ku Eedeysay jaasuusnimo oo Xabsi Madaxtooyada laga sii daayay.
Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada Soomaaliya ayaa Xabsi dhigtay Sawirqaadayaal lagu Eedeeyay Jaasuusnimo kuwaasi oo haatan dib u helay Xuriyadooda.
Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay Sawir qaade u shaqeynayay AFP Maxamed Daahir oo dhawaan ku guuleystay bilad Sawirqaadaha ugu geesisan Afrika iyo Sawir qaade Maxamuud Mukhtaar Koofi.
Labada Sawir qaade ayaa waxaa la sheegay in xiligii la qabanayay ay ku howlanaayeen sawiro ay ka qaadayeen Taangiyada Amisom oo Madaafiic ku ridayay Bakaaraha.
Dowlada ayaa xertay raggaasi iyadoo ku eedeysay Jawaasiis ama Sirdoonimo taasi oo Suxufiyiinta Muqdisho ay si weyn uga xumaadeen.
Qaar ka mida Xildhibaanada Dowlada ayaa isku howlay sidii raggaasi loo sii dayn lahaa taasi oo lagu guuleystay muddo ka dib oo 48-Saacadood xabsi lagu hayay .
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments