Calendar

Suxafiyiinta Gobolada dhexe oo lagu amray in ay Is-diiwaan galiyaan Alshabaabna Cambaareeyaan.

ahlu sunaahBartamaha(Guri-Ceel):-Saxafiyiinta ka shaqeeya Gobolada dhexe ayaa la faray in ay is diiwaan galiyaan oo ay Alshabaab ku cambaareeyaan wararka ay ka dirayaan Gobolada dhexe.

Sida laga soo xigtay Afhayeenka Kooxda Ahlu sunnah Sheekh C/laahi C/raxman “abuu yuusuf Alqaadi” waxa maamulka AHlu sunnah ay isku raaceen in Saxafiyiinta ay ku dhawaaqaan erayo Alshabaab dhabta loga sheegayo.

Al-Qaadi oo isugu yeeray Saxafiyiinta Gobolada Dhexe ayaa waxa uu u sheegay in aan marnaba laga aqbali doonin in ay Xarakada Mujaahidiinta yiraadhaan Alshabaab islamarkaana loo baahanyahay in ay cadeeyaan axa ay yiohiin.

Sh. C/laahi  Alqaadi waxaa uu intaa ku daray in cidii u hogaan sami weyda Amarkaasi mudo sadax maalmood ah ay ka qaadayaan talaabo shareecada Islaamka waafaqsan oo aanay sii joogi doonin dhammaan Gobolada ay ka taliyaan Culimada Ahlu sunnah.

Sargaalka Warfaafinta u qaabilosan Ahlu sunnah ayaa sheegay in Alshabaab ay yihiin waxa uu isaga ugu yeertay Khaawaarij lana doonayo in hadalkooda la iska daayo ama waxa ay yihiin la sheego.

Al-Qaadi ayaa shacabka soomaaliyeed ka dalbaday in ay Alle u towbad keenaan si ay uga baxaan dhibaatada xagga nolosha ah ee haysata xiligan waxa uuna cambaareeyay mamnuucidii shaqada WFP.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: