Suuqa Bakaaraha oo Maalintii Labaad Xiran iyo Madaafiic ku Socoto 24-saac ku Dhawaad
Muqdisho (RBC) Waxaa saaka maalintii labaad xiran suuqa weyn ee Bakaaraha kadib markii dagaalo culus shalay ay ka dheceen wadada warshadaha oo ahayd halka loo sii maro suuqaasi.
Dagaal kale ayaa saaka sidoo kale wuxuu ka soconayaa isla wadadaasi kadib markii shalay ciidamada DKMG iyo kuwa Amisom ay dagaal ku qabsadeen wasaaradii Gaashaandhiga, xerada Shiirkole iyo Warshada Caanaha halkaasoo fariisimo u ahaan jirtay ciidamada xarakada Shabaab.
Waxaa guud ahaan xiran isu socodka wadada warshadaha iyadoo suuqana uu gebi ahaan xiran yahay, sida y RBC Radio u sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada suuqaasi.
Ka sokow xirnanshaha suuqa Bakaaro waxaa sidoo kale hadda kala qeybsan magaalada Muqdisho oo u kala baxday qeyb ay maamusho DKMG iyo qeyb ay maamulaan mucaaradka oo aan haba yaraate isu furneyn.
Xirnaanshaha suuqa Bakaaro waxaa si wen durba looga dareemay qeybaha kala duwan ee magaalada iyadoo meelaha qaar dhaqdhaqaaqyada ganacsga oo ku xirnaa suuqa ay gaabis galeen, waxaana dadka ka cabsi qabaa in macishada ay qaali noqoto haddii uu suuqu sii xirnaado maalmaha soo socda.
Sidoo kale dadkii ka xoogsan jiray suuqa ayaa aad uga walaacsan shaqooyinkooda iyo meheradahooda iyadoo dadkaasi ay ka welwelsan yihiin shaqo la’aantan inay maalmo kale sii jiitanto.
Dagaalada shalay ka dhacay wadada ayaa illaa saaka socda iyadoo labada dhinac oo isu muuqda ay rasaas isweydaarsanayaana.
Dhinaca kale madaafiic duqeymo ah oo shalaty bilaabatay ayaa illaa maanta ku socota suuqa Bakaaraha iyo xaafado ku teedsan, waxaana khasaare ay gaarsiiyeen dad rayid ah sida naloo xaqiijiyey.
Meelaha khasaaraha ay ka geysteen madaafiicda waxa ka mid h xafada Baar ubax, Blacksea, Dayniile, laba dhagax iyo Towfiiq halkaasi oo dad ay ku dhinteen kywa kalena ku dhaawacmeen.
===========================
Source: Raxanreeb.com
Comments
comments