Soomaliya Iyo Burundi oo kala saxiixday heshiis dhanka wada shaqaynta ah
Muqdisho _ Dowladaha Soomaliya iyo Burundi ayaa maanta heshiis ku Aadan xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dal ku kala saxiixday magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya.
Munsabada heshiiska ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyin katirsan labada dhinac, waxaana kulan ay yeesheen labada wasiir ee arrimaha dibada ukala qaabilsan Soomaliya iyo Burundi uga hadleen sidii dowlada Burundi ay udar dar gelin lahayd taageerada ay siiso Soomaliya.
Safiirka Soomaliya ufadhiya Dalka Burundi Danjire Abshir Xasan Abshir faarax oo markii uu soo dhamaday kullanku lahadlay saxaafada ayaa sheegay in heshiiska ay kala saxiixdeen labada dowladod ay ugu muhiimsaneed xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dawladood.
Dalka Burundi ayaa waxa Soomaliya ka jooga ciidamo farabadan oo ku hawlgala magaca AMISOM, waxaana heshiiska labada dowladood ku cad in Dalka Burundi ay kaqaybqadato tababarida ciidamada soomaliya.
www.Bartamaha.com
Comments
comments