Calendar

Soomalida Minnesota oo soo dhaweeyey Amiir Mohamud Yusuf (Daawo Masawiro+ Dhagayso)

soodhoweynMinnesota:- Soomalida Minnesota ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey Amiir Mohamud Yusuf Ciise oo ka mida Isimada Puntland. Waxaa xafladdaan oo casha sharaf ahayd ka hadlay dhammaan Isimada Soomaliyeed, Culumo awdiin, Aqoon yahano.
Ahmed Mohamed Warsame Islaam ayaa ku soo dhaweeyey Amiir Mohamud in uu khudbo u jeediyo Soomaliweynta dagan Minnesota wuxuuna yiri Beeshayda ayaa dooratay waana Islaamkii labaad Amiir Mohamud waana soo dhaweynaynaa haddii aad tiraahdaan maxaad ku fasheen Isimkaan labaad Islaam ayaad leedihiine waxaan idin leeyahay haddii aad geed liin ah beeratid oo liin macaan kuu dhalo soo geed kale ma beeranaysid macaanka ay leedahay ayaan helnay sidaas ayaan Amiir u samaysanay.

Amiir Mohamud ayaa kumanaan Soomaliya oo Golaha dhaqanka Soomaliyeed hor kacayaan usoo dhaweeyeen si diiran Amiir Mohamud ayaa khudbadiisa kaga hadlay Taariikhdada Soomalida wuxuuna sheegay in umadaha kale ay qortaan taariikhdooda laakiin Soomalida ay yihiin kuwo Taariikhdooda umada kale ay u qoreen.

Amiir Mohamud wuxuu tilmaamay in Soomalidu ay isku meel ka yimaadeen isku diin, yihiin isku luuqad yihiin, isku midab yihiin. waxaa daliil u ah in taariikhda naloo qoray waxaa la yiraahdaa qaar badda ayey soo mareen qaarna kor iyo cirka ayey ka yimaadaan laakiin taas waa been waxaa u daliila ayuu dhahay Amiirku Soomalida taariikh ahaan lama hayo Reer Reerka kale Diinta soo galiyey oo ku qasbay ama luuqadda ay lahaayeen u diiday oo mid kale ku khasbay.
Amiirka ayaa codsaday in taariikhda Soomalida la qoro lagana fagoodo wixii Soomalida kala dilay wada dhalashadooda. Amiirka ayaa ka hadlay Soomaliya Dowladda Puntland xaaladda Gobalka Mudug iyo shaqaadadii ka dhacday. wuxuu Amiirku si tiiraanyo leh warbixin oga dhiibay una tacsiyadeeyey una duceeyaye Wasiirka warfaafinta Puntland oo mudo dhowr bilood ka hor ah dablay hubaysan ay toogasho ku dileen Amiirku wuxuu amaan gaara u soo jeediyey Beesha marxuumku ka soo jeedo.

Soo dhaweynta Ahmed Mohamed Warsame Islaam iyo Khudbada Amiirka Halkan ka dhagayso hoos ka dhagayso khudbooyinkii oo dhamaystiran

Qaybtii 1 Halkan ka Daawo

Qaybtii 2 Halkan ka Daawo

Khudbooyinkii Xafladda laga jeediyey hoos ka dhagayso

(1) Sh. C/raxman Sh. Cumar Halkan ka dhagayso
(2) Sh. C/raxman Sharif Halkan ka dhagayso
(3) Sacad…. Halkan ka dhagayso
(4) Abdiqadir Warsame iyo Dr C/qani C/laahi khalif Halkan ka dhagayso
(5) Wakiilka Imaamka abgaal Halkan ka dhagayso
(6) Wakiilka Boqorka Daarood Halkan ka dhagayso
(7) Wakiilka Isimada Maamulka Galmudug Halkan ka dhagayso
(8) Wakiilka Ugaas Ahmed Ugaas M Ali geesood Halkan ka dhagayso

(9) C/casiis Sh. Yusuf Mire Halkan ka dhagayso
(10) Mohamed Hassan Jamac Halkan ka dhagayso
(11) Siyaasi American ah Matt Entenza Halkan ka dhagayso
(12) Dahabo Cigaal Buraanbur Halkan ka dhagayso

Comments

comments

Category : Minnesota.
« »

Comment: