Calendar

Soomaaliya oo dub u furaysa shirkadii Somali Airlines 22 sanadood kadib

ciilmooge-duhur_com_1Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay heshay illaa afar diyaaradood oo ay ku howl-gelineyso shirkadii diyaaradaha Soomaaliyeed ee Somali Airline, kaddib muddo 22-sano ah, taasoo ku aadi doonta dalalka caalamka duulimaadyo kala duwan.

Wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka dowladda Somalia, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay inay rajo ka qabaan inay dib u howl-geliyaan shirkaddii Somali Airline ka hor inta aanu dhammaan sanadkan lagu jiro.

Waxaana uu wasiirku ku baaqay in dadka deggan guryihii ay lahayd shirkadii qaran ee Somali Airline inay halkaas isaga baxaan si buu yiri xafiisyadaas dib loogu hawlgaliyo.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay inay jiraan duuliyayaal Soomaaliyeed oo ay la xiriireen kuwaas oo la filayo inay ka qaybqaataan qorshaha dib loogu hawlgalinayo shirkadii Somali Airlines.

Waxaana tallaabadan ay Soomaaliya u noqonaysaa mid kale oo ku darsanta horumarrada la gaaray tan iyo intii ay Soomaaliya ka baxday KMG oo ay yeelatay dawlada rasmiga ah.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: