Soomaaliya Dhiman Meyso!! _W/Q: Yusuf Aybakar Shadoor
Hadii aad fiiriso sida ay abaaruhu ugu dhufteen dalka gees ilaa gees. Hadii aad fiiriso Colaadaha iyo Dagaalada aan dhammaadka lahayn. Hadii aad fiiriso sida ay u adag tahay in Al-shabab laga adkaado ama ay iyagu ku adkaadaan dagaalada socda.
Hadii aad fiiriso karti yarida iyo hufnaan la,aanta Maamulada jira. Hadii aad fiiriso sida ajnabigu faraha wasaqaysan ugula jiraan arimaha Soomaaliya.
Intaas iyo inkale oo kasii mugdi badan hadii aad kafekerto, waxaad is leedahay iska illow Somaaliya iyo Soomaalinnimo, waxaad gaareysaa inaad qaamuuskaaga ka saarto erayada “ Ummad, Dal,Qaran,Xaq,Xoriyad, iyo jiritaan”.
Laakiin qoraagii caanka ahaa ee Masaarida “ Mustafa Amiin” [ waa ninkii sameeyay wargeyska caanka ah ee Akhbaar Al-yoom], ayaa laga bartay oraah uu cuksado ama ku tiirsan karo qof ama ummad kasta oo waayuhu la ciireen, wuxuu yiri” Habeenka saacadaha ugu gudcur badan waa marka Ileyska waaberigu uu soo dhowyahay”.
Waa oraah run ah oo rajo gelinaysa qof ama ummad kasta oo marxalad adag kujirta, waa oraah falsafadeed oo aan si qeexan kuugu tilmaameyn halka uu yaallo furaha xalka mushkilada,laakiin diidan in uu damo ilayska rajada.
Haa dalkii waa burburay, dadkii qax, dhimasho iyo dhaawac ayay u bateen, mudaaduna waa in ka badan Labaatan sano.Tolow waa maxaay Ilayska haray ee weli rajo laga qabi karo?.
Rajo ayaa ku geleysa kolkaad daawato sawirada farshaxanka ah ee fanaanka Amiin Caamir sida uu sanooyin badan Burushkiisa uu ula hor taagan yahay qof ama koox kasta oo diidan in Somalidu nasato oo qarankoodii kabkabato.
Rajo ayaa kugeleysa Markaad daawato, ama dhageysato Suugaanta iyo Muusigga “Jooqle, Axmed naaji, Saado Cali, Maryan Mursal, iyo Wiilasha iyo gabdhaha kale oo hesaha damqashada leh ugu maansoonaya dalka, calanka iyo khasaaraha na gaaray.
Rajo ayaa ku gelaysa markaad maqasho sida uu usii kordhayo dareenka Soomaalinimo iyo waddan jacaylka ay qabaan “Somali diaspora”.
Rajo aya aku gelaysa markaad aragto sida Al-shabab ay hubka uga dhigayaan mooryaantii ugu dhibka badnayd koofurta Soomaaliya.
Rajo ayaa ku geleysa kolkii aad ufiirsato Sida mudane Farmaajo iyo wiilasha iyo gabdhaha la shaqaynaya ay uga go,antahay inay isbedel sameeyaan oo ay dowladnimada fidiyaan.
Mugdi kasta oo jira, si kasta oo ay xaaladdu u murugsantahay soomaalidu weli way dhaq dhaqaaqayaan.
Soomaaliya Dhiman Mayso!!.
W/Q: Yusuf Aybakar Shadoor
Comments
comments