read more »">
Calendar

Soomaalida ku nool Liibiya oo bilaabay inay isaga baxaan dalkaasi

Wararka naga soo gaaraya Caasimada dalka Liibiya ee Tripoli ayaa sheegaya in Somaalidii ku nooleeed guud ahaan dalka Liibiya ay bilaabeen sidii ay ugu bixi lahaayeen dalkaasi oo ay ugu badbaadi lahaayeen rabshadaha  iyo dagaalada ka socda dalkaasi.

Wararka ayaa intaasi waxey ku darayaan in soomaalidii ku dhaqneed dalkasi oo maalmahii dhawaa  ku xareesnaa safaarada Soomaalida ee ku taala casimnada Liibiya in durba ay biilaabeen qaarkood inay ka tilaabaan xadka uu dalkasi la wadaago dalka Tunisia.

Waxaana la shegayaa in maalintii shalay aheyd in soomaali badan ay ka gudbeen xadka Liibiya,iyagoona si nabad ah ugu tilaabay dalka Tunisia,waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay hay’addaha samafalka ee Qaramada midoobay oo halkaasi ku sugaya qaxootiga soomaalida iyo kuwa kalaba ee ka soo cararaya dalka Liibiya.

Soomaalida haatan ku sugan Safaarada Soomaaliya ee ku taala caasimada dalkaasi ayaa tiro ahaan lagu qiyaasay  150 qof,iyadoona aanan la ogeen inay jiraan dad kale oo Soomaali ah oo ku xayiran magaalooyin kale ee dalkaasi.

Si kastaba dhawaan ayey aheyd markii Ha’y’addaha Qaramada midoobay ay sheegeen in dadka Soomaalida ah ee ku dhibaateysan dalkaasi inay isaga soo baxaan ,iyagoona usheegay inay ku sugayaan xaduudaha dalkaa Tunisia ama dalka Masar oo labada xuduud la leh dalka Liibiya.

Xafiiska Wararka Nairobi0-300x225

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: