Soomaali Xalay laga qabqabtay Xaafada Islii Ee Magaalada Nairobi.
Bartamaha (Nairobi):- Howlgalka Xalay ay samaynayeen Booliiska Wadanka Kenya oo ahaa mid balaaran ayaa lagu qabqabtay dhalinyaro badan oo soomalai ah gudaha Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.
Ciidanka Nabad Sugida iyo kuwa Booliiska oo iskaashanayay ayaa xalay si gaar ah u galay dhismayaal ku yaala Xaafada Soomaalida dagantahay ee Islii halkaasi oo ay kala bexeen dhalinyaro la soo farmuuqay.
Booliiska ayaa waxa ay galeen laba dhismo oo ay isugu tagaan dhalinyarada halkaasi oo ay ka kexeesteen in ka badan 20-ruux oo dhalinyaro soomaaliyeed ah oo qaar ka mid ay haystaan dhalashada Dalka Kenya.
Howlgalka ayaa ka duwanaa midkii horay ay u samayn jireen Ciidanka waxaana lala xiriirinaaa cabsi dhanka ammaanka ah oo dhawaanahan la dareemayay ka dib qaraxyadii ka dhacay Kampala.
Cabsi xoogan ayaa soo wajahday dhalinyarada aan haysan sharciga dalka Kenya balse nolol iyo ammaan ka soo raadsaday Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya oo aydaganyihiin soomaalida ugu badan ee ka soo carartay dalka soomaaliya.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi-Kenya.
Comments
comments