Soomaali suuxsan oo laga helay Xeebaha Dalka India.
Bartamaha(India):-Tobanaan dad Soomalaiyeed ah ayaa saaka laga helay xeebaha Wadanka India xilli ay dhammaan suuxsanaayeen.
Booliiska Dalka India ayaa faraha kula jira baaritaanka 10-qof oo Soomaali ah kuwaasi oo laga helay Xeebaha gobol ka mida Inida xilli ay suuxsanaayeen.
Sargaal u hadlay Booliiska ayaa waxaa uu xaqiijiyay mid ka mid ah dadkaasi inuu ku geeriyooday gudaha cisbitaalka la geeyay dhammaan kuwii kalana baaritaan haatan lagu samaynayo.
Qof ka mida dadka oo xilli danbe soo toosay ayaa waxaa la weydiiyay halka ay yimaadeen iyo qaabka ay India u soo gaareen isagoo sheegay in Burcad badeed ay ka qaateen doonyihii ay wateen.
Waa markii ugu horaysay oo xeebaha Dalka India laga helo dad soomalaiyeed oo intan la eg waxaana shakki dowladaasi uga jiraa in ay ahaayeen Burcad Badeed.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments