Soomaali Qax ku tagtay Libiya hadan qaxooti ku ah Tunuusiya(DAAWO)
Waxaa Soomali badani ka barakaceen dhibta Xamar ka socoda, Iygoo u qaxay wadamo kaladuwan, kuwaas oo ay dadka qaxootiga ah ee Soomaaliyeed ka ciirsanayeen nabad iyo nolol fiican waxaa ka mid ahayd wadamada ay Soomaalidu sida xoogan u gashay wadanka Libiya oo ay dadku badanaa uga soo tahriibi jireen wadamada Yurub oo dacalka u saaran Libiya.
Waxaa bishaan ka bilaabamay dagaalo afganbi wadanka Liibiya oo lagu afganbinayo Madaxweynaha hada talada haya ee Qadaafi taas oo kicisay dagaal sokeeyo oo wadanaka labada baal ka qabsada ilaa iyo hadan ay isgaracayaa kooxaha mayalka adag ee diidan amabarka Qadaafi iyo Qadaafi oo raba in uu wadanka madaxweynahiisa sii joogo waxaa dagaaladaa ku bara kacay dad badan oo isgu jira Liibiyaan iyo weliba dadkii soo galootiga ahaa oo ay ka mid ahayaan Soomaalidu waxaa warbixntan ka soo diyaariyey Wargayska Aljazeera oo booqday xerada Qaxootiga Soomaalida ee ku taal xuduudka wadanka Liibiya iyo wadanka Tunuusiya oo weliba ku dhiban dadkii wadamada lahaan dowladahoodii ka qaateen iyagan ay ciirsila fadhiyaan. Halkan ka Daawo
Comments
comments