Calendar

Soo Dhaweyntii General Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ee Minnesota

011
In dhawaydba waxa shir muhiim ah uga socday Maraykanka saraakiishii hore ee Soomaaliya iyo kuwa hada haya xilka. Shirkaas oo ku saabsanaa sidii Soomaaliya nabad looga dhigi lahaa, loona sameyn lahaa ciidamo xoog badan. Shirkaas ka dib ayaa saraakiisha qaarkood, waxa ay nasiib u yeesheen in ay booqdaan gobolada Maraykanka sida Minnesota. Saraakiishaas ayaa waxa ka mid ahaa General Siciid Maxamed Xiris (Siciid Dheere).
Generalka ayaa hadda waxa uu yahay Lataliyaha Madaxweynaha xaga amniga horeyna u ahaa taliyihii ciidamada xooga dalka. Generalka ayaa waxa si diiran loogu soo dhaweeyey Minnesota ayna ku dheehan tahay kalgacal. 012Intii uu joogay Generalku ayaa waxa loo sameeyey xaflado badan oo isugu jirey casho iyo shirar. Hadii aanu ka soo qaadno casho sharaftii loogu sameeyey holka shirarka ee Universitiga ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin badan oo ay ku jireen siyaasiyiin, aqoonyahano, arday, culimo, haween, iyo abwaano. Cashadan ayaa waxa ka hadlay dhowr mas’uul oo Minnesota caanka ah sida Abdulaahi Gulled, Siciid Faahiye, iyo Maxamed Abukar. Mas’uuliyiintaas ayaa waxa ay yihiin kuwo ku leh Soomaalida Minnesota qiimo weyn kadib markii ay soo hogaaminayeen ururo waaweyn oo leh waxqabad la taaban karo.

Ugu danbayntii ayaa waxa ku soo dhaweeyey generalka Makarafoonka Ambasedor Dhigicdhigic, oo ka akhriyey halkaas taariikhda Genralka iyo xilalkii uu soo qabtay. Genaralka ayaa halkaas waxa uu ka soo jeediyey ereyo kooban oo ku dheehan Alle ka cabsi iyo la talin uu la talinayey dadka ku nool dibada in ay wadankoodii ilaawin waxna u qabtaan.
013 Kali ma’hayn in Generalku ka hadlay casho sharafta kaliya ee waxa uu ka hadlay xafladii weyneed ee loogu dhigay xarunta weyn ee Brian Coyle ee ku taala badhtamaha Magaalada Minneapolis. Generalka ayaa xafladaas waxa loogu tiriyey Buraanbur qiimo leh oo ka hadlayey Generalka howlihii uu soo qabtay iyo waxa laga filayo in uu hada qabto. Buraanburkaas oo si habaysan loogu soo shaqeeyey ayaa waxa aad u soo dhaweeyey dhamaan dadkii ka soo qayb galay xafladaas. Sidoo kale xafladan ayaa waxa lagu soo bandhigay gabay gaaban oo ku saabsanaa talo bixin dhinaca raga ah in ay dumarka u naxariistaan oo dhibta ay ka daayaan. Ugudanbayntii ayaa waxa hadal kooban ka soo jeediyey General Siciid oo ka waramay marxalada Soomaaliya hada ku jirta iyo isbadalada ka dhici doona.

Sidoo kale waxa uu generalku sheegey in hadeer caalumku ay u soo jeesteen oo ay doonayaan in ay Soomaaliya nabad ku soo celiyaan loona sameeyo ciidan xoog badan oo Soomali ah.
Halkan ka daawo Sawiradii xafladda
Somali Media
Zakaria Adan
[email protected]

Comments

comments

Category : Minnesota.
« »

Comment: