Calendar

SOMPED oo Cambaareysay Xariga Wariye Cali Yuusuf Aadan (War Saxaafadeed)

sompedlogo-NEW1-300x117

Bartamaha (colombus):- Ururka SOMPED ayaa si kulul u cambaareeyey xariga degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabeelaha Hoose loogu geystey wariye Cali Yuusuf Aadan, maalintii Axadii 21-ka February 2010. Wariyahaasi oo ka tirsanaa idaacada Somaliweyn ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.
War saxaafadeed uu soo saaray ururka SOMPED ayaa sheegay in xariga wariye Cali Yuusuf aan weli la ogeyn sababta ka dambeysa. Waxaana ururka SOMPED uu dalbaday in si deg deg ah loo siidaayo.
“Xariga wariye Cali Yuusuf Aadan ma aha mid cad sababta ka dambeysa, laakiin dadka degaanka iyo hay’adaha warbaahinta ayaa sheegay in xarigiisa uu u muuqdo inuu la xiriiro warar ay idaacadu sheegtay”, ayaa lagu yiri war saxaafadeedka SOMPED.
“Ma qeexi karno sababta loo xiray Cali Yuusuf, laakiin waxaan ognahay in la xiray wax yar ka dib markii uu soo tebiyey war ku saabsan in Al Shabaab ay ku dishay degmada Wanlaweyn nin xilliga salaada ka soo dib dhacay, maalintii Axada”, sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah wariyaasha ka hawlgala Somaliweyn oo magaciisa ka gaabsaday.
Abukay Xasan Khabar oo ah agaasimaha idaacada Somaliweyn ayaa u sheegay RBC Radio inay aad uga walaacsan yihiin xaalada saaxiibkood aysana garaneyn halka lagu hayo iyadoo eheladiisuna aysan helin wax xog ah oo ku saabsan noloshiisa.
Gudoomiyaha ururka SOMPED Faarax Axmed Caato ayaa sheegay in ay xanuun ku reebtay maqnaanshaha wariyan mudo saddex maalmood ah oo aysan ehelkiisu ka warqabin.
“Waxaan si xoogan u cambaareyneynaa qabasashada wariyahan Soomaaliyeed, waxana dalbaneynaa in si deg deg ah loo siidaayo”, ayuu yiri gudoomiyaha SOMPED.
Wuxuu intaa ku daray gudoomiyaha SOMPED in qabasashada noocan oo kale ah ay tahay hanjanaab iyo cabsi gelin lagu khatargelinayo suxufiyiinta dalka isla markaana lagu doonayo in afka lagu qabto warbaahinta Soomaaliya.
Saraakiisha Al Shabaab ee degaanka Wanla-weyn ayaan dooneyn inay wax hadal ah ka yiraahdaan qabashada wariyahan.
Ururka Al Shabaab ayaa ku qasbay wariyaasha inaysan sheegin dhacdooyinka iyo wararka iyaga lidiga ku ah, iyagoo sidoo kale amray idaacadaha inaysan baahin heesaha iyo muusika.
War saxaafadeedka SOMPED waxaa lagu sheegay in mudadii afarta bilood ahayd ee u dambeysay hawada laga saaray ugu yaraan 5 idaacadood oo ka hawlgalayey bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

2185 Morse RD suite 70
columbus Oh 43229
[email protected]

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: