Somaliland:- Wasiiro is casilay.
Bartamaha (Hargeeysa):- Wasiirkii Madaxtooyada Xasan Macalin iyo Wasiirkii Warshadaha Axmed Cali Ubaxle ayaa si rasmi u ah sheegay in ay ka baxeen iskana casileen Golihii Wasiirada ee Xukuumadda Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahi iyadoo dhaliilo u soo jeediyay Madaxwayne Daahir Rayaale.
Labadan wasiir ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen Hotel-ka Summer Time ee magaaladda Hargeeysa ayaa cadeeyay in ay iska casileen xilalkii ay ka hayeen Xukuumadda Daahir riyaale xilli doorashooyinka Somaliland ay ka harsanyihiin wax ka yar 48 saacadood.
“Madaxweynuhu wuxuu u muuqdaa inuu guul dareystay 0o uu iskaga haray doorashada taasaana keentay inaan ka baxno golaha wasiiradaâ€, ayuu yiri wasiirka madaxtooyada Xasan Macalin laguna Tilmaamo in uu yahay saaxiibka gaar-ka ah ee Daahir Rayaale
Doorashooyinka Somaliland ayaa la filayaa in ay dhacaan June 26, 2010 iyadoo olalihii Doorashooyinkana ay soo dhamaadeen ayaan la garan Karin hadalka ka soo yeeray Wasiiradan in uu sameen ku yeelan karo ururka UDUB oo taladda Somaliland soo hayay mudooyinkii u danbeeyay.
“Markii hore niyad fiican iyo rajo ayaanu qabnay balse haatan waan ka quustay UDUB†ayuu yiri Wasiirka Warshadaha Axmed Cali inkastoo uusan sheegin in uu ku biiri dono axsaabta kalle ee Somaliland ka dhisan.
Balse wali Xukuumada Daahir Rayaale wax war ah kama soo saarin is casilaada Labadan Wasiir xilli doorashooyinka dalkaasi la filayo in ay guulo ka soo hoyiyaan Xisbiga talada haya ee UDUB oo ay ka tirsanaayeen wasiiradda is casilay.
Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in Xisbiga UDUB ee talada Somaliland so hayay 8 –dii sano ee la soo dhaafay ay is casilaada Wasiiradan ay ku tahay dhabarjab.
Xisbiyada UCID iyo Kulmiye wali am aysan ka hadlin is casilaada Wasiiradan oo marka la fiiriyo sida ay wax u socdaan ay u tahay rajo wanaagsan labadan Xisbi oo mudo ahaa Mucaarad.
———————
Ibraahim Da’ud Abdalle
Xafiiska Wararka Bartamaha ee Geeska Afrika
Comments
comments