Somaliland oo si kulul u weerartay Cali Khaliif Galaydh oo ku eedeeyay maamulkooda isir sooc
Maamulka Soomaaliland ayaa beeniyey eedeymo uu u jeediyey maamulkaasi Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh oo mar soo noqday R/wasaaraha Soomaaliya,wasiirka arimaha gudaha maamulka Soomaaliland Cali Maxamed Waran-Cadde oo la hadlayey warbaahinta ayaa beeniyey eedeymaha uu u jeediyey maamulka Soomaaliland Cali Khaliif Galaydh.
Cali Waran-Cadde ayaa ku tilmaamay been abuur aan sal iyo raad lahayn eedda Cali Khaliif ee ku saabsan in maamulka Sooaaliland uu faquuuqo dadka kasoo jeeda deegaanada Khaatumo,wuxuuna ku sheegay warkaas mid been abuur ah oo aan sax ahayn.
Wasiirka arimaha gudaha maamulka Soomaaliland ayaa shaaca ka qaaday in deegaanada uu ka arimiyo maamulkaasi ineysan ka jirin in dadka qaar Isir ahaan loo faquuqo ama loo dhibaateeyo,wuxuuna xusay in bulshada reer Soomaaliland ay yihiin mid qura isla markaane uusan jirin wax farqiya oo u dhexeeya.
“Hadaad been sheegeyso waxaa la sheegaa been run u eg,dadku waa dad walaalo ah,wadankayaga maka jirto dad isir ahaan loo dhibaateeyo,dadku waa dad is wada dhalay,mana aha eedeymahaasi wax ka suurtooba dhaqanka Soomaaliland”ayuu yiri Cali Maxamed Waran-cadde wasiirka arimaha gudaha maamulka Soomaaliland.
Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliland ayaa kula taliyey Cali Khaliif inuu ka fiirsado waxyaabaha uu ku hadlayo,wuxuuna meesha ka saaray in maamulka Soomaaliland uu bartilmaameedsanayo dadka kasoo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag,Cali Khaliif ayaa Soomaaliland ku eedeeyey iney dhibaatooyin gaara ku hayso dadka kasoo jeeda Sool iyo Sanaag,wuxuuna tusaale usoo qaatay iney xabsiyada ka buuxaan dad u badan Carruur iyo haween kasoo jeeda deegaanadaas oo sida uu sheegay uu kusoo duulay maamulka Soomaaliland.
Comments
comments