read more »">
Calendar

Somaliland oo sheegtay inaysan aqbalayn inay dabo-fariisato Madaxweyne Xassan Sheekh

OWasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliland oo maanta si rasmi ah ula wareegay Maxamed Biixi Yoonis oo maanta si rasmi ah ula wareegay xafiiska ayaa sheegay inaanay dabafariisan doonin shir uu masuul ka yahay Somaliland madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Waxaana uu sheegay in wafdi ka socday midowga Yurub oo tagay Hergeysa inuu arrintaas u sheegay isagoo ku adkaystay in Somalia iyo Somaliland ay kala yihiin labo waddan.

Maxamed C/laahi wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland oo xilka wareejiyay ayaa sheegay in mudadii uu xilka hayay uu suuragaliyay in Somaliland ay ka dhex muuqato madasha iyo meelaha ay isugu yimaadaan wadamada caalamku.

Wuxuuna ku tilmaamay in markii uu xilka qabtay ay Somaliland ku jirtay go’doon diblamaasiyadeed.

Hadalka kasoo yeeray ee wasiirka cusub ee ah inaanu dabafariisan doonin Madaxweeynaha dawlada Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa laga yaabaa inuu kala fogeeyo xiriirka dawlada dhexe iyo Somaliland oo dhawaanahaan uu u socday wadahadallo lagu go’aamiyay in hawada Soomaaliya lagu maamulo xafiis laga furi doono Hergeysa oo ah caasimada Somaliland.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: