Calendar

Somaliland oo qabatay diyuurad Hub siday.

garonkaBartamaha (Hargaysa):- Dowlada Somaliland ayaa ka hadashay diyaarad Hub siday oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Hargaysa.

Saddex wasiir oo ka tirsan Somaliland ayaa waxa ay wada qabteen shirjaraa’id oo wada ajir ah iyagoo faahfaahin uga bixiyay diyaarad hub siday oo u gacan gashay Ciidanka Ammaanka.

Wasiirka Arimaha gudaha, wasiirka warfaafinta iyo wasiirka duulista hawada Somaliland ayaa dhamaan waxa ay ka hadleen diyaarada Hubka siday oo ay qabteen Ciidanka Somaliland.

Ugu horayn wasiirka Duulista Hawada oo saxaafada la hadlay ayaa si kooban u sheegay in ay hataan diyaarad Hub siday oo hadda ku jirta gacanta Ciidanka ammaanka Somaliland.

Wasiirka ayaa hadalka ku wareejiyay wasiirka Arimaha Gudaha Soamliland oo sheegay in diyaaradan ay ka timid wadanka South Afrika isalamarkaana ay duulimaadkeeda ku sheegtay in uu ku wajahnaa Kenya iyo Ugandha.

Diyaaradan Hubka siday ayaa waxa uu wasiirka cadeeyay in la hayo oo baaritaan culus lagu wado dhawaana la soo gudbin doono baaritaanka markii ay dhamaystaan Ciidanka ammaanka.

Waxaa gabagabadii hadalka qaatay wasiirka warfaafinta C/laahi Cismaan Jaamac (Geeljire) oo sheegay in maamulka Somaliland uu horeyba uga walaacsanaa tababarada ciidanka badda ee Puntland waxaana ay haatan hayaan qalab militari oo shaki looga qabo in uu ku socday Puntland.

Wasiir Geeljire wuxuu intaasi ku daray in markii la eegay warqada diyaarada lagu soo raray (manifes) ay ku qoran tahay qalabka dayactirka baabuurta wallow uu hub noqday markii ay baareen gudaha diyaarada.

Diyaaradan iyo Hubkeeda ayaa waxa ay wada yaalaan garoonka Hargaysa waxaana socanaya baaritaan adag oo ku wajahan Hubka iyo cida rasmiga ah ee uu u socdo oo shaki Somaliland qabto uu yahay in Hubka loo qado Puntland.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: