SOMALIA: Xildhibaano sheegay inuu jiro khilaaf ka dhex aloosan Labada masuul ee dalka ugu sareeya
BARTAMAHA – Xildhibaanadii ka soo horjeeday Madaxweynaha Soomaaliya,islamarkaana hore ugu baaqay in Madaxweynaha uu iscasilo ayaa sheegay in Xildhibaanadaas ay Khilaafka jira Mas’uul ka yihiin.
Xildhibaan C/rixmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ahaa Xildhibaanadii Bayaanka ka Gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya uu Salka ku hayo Dalabkoodii ahaa in Xasan Sh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya uu Iscasilo.
C/rixmaan Xoosh Jabriil ayaa sidoo kale sheegay in Xildhibaanadii Madaxweynaha Soomaaliya Bayaanka ay ku Dalbanayaan in uu iscasilo ka soo gudbiyey oo uu ka mid aha ay Kala jabeen oo Labo Dhinac ay Noqdeen.
Maalmo ka hor ayey aheyd Markii Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in uusan jirin Khilaaf u dhaxeeya Madaxda Dalka,laakiin uu jiro kala Aragti Duwanaan yar oo Xal laga gaaray ayadana.
Halkaan Hoose ka dhageyso war ku saabsan Xildhibaanada Soomaaliya
Comments
comments