Calendar

SOMALIA: Raysul Wasaaraha oo ka qayb galay kulan looga hadlayay aminiga dalka

BARTAMAHA – Kulan balaaran oo looga hadlayay amaanka iyo sida shacabku uga qayb qaadan karo sugida amaanka Gobolka banaadir ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Degmada Xamar ja jab Ee Magaalada Muqdisho waxaana kulankaas ka qayb galay mas,uuliyiin Xukuumada ka tirsan oo uu Hogaaminayay Ra,iisul wasaaraha dalka Mudane Cabdi wali Sheikh Axmed Maxamed iyo qaar ka mid ah Golihiisa wasiirada .

Kulanka ayaa waxaa aragtiyo ku aadan amaanka Gobolka iyo ka qayb qaadashada Bulshada kaalinta uga banaan waxaa Ra,iisul wasaaruhu uga dhageestay Bulshada Kulnaka ka soo qayb gashay iyadoo Madaxdu Warbaahinta waydiisteen in ay Banaanka uga baxaan shirka inta ay aragtiyada Dadka dhageysanayaan Maadaama dadka qaar ay Cabsi ay qabaan awgeed warbaahinta horteeda ka hadli karin ama fikir ka soo gudbi karin sida ay mas,uuliyiintu shegeen .

Ra,iisul wasaaraha oo gaba gabada kulanka saxaafada la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in kulanka uu ahaa mid Natiijo aad u wanaagsan ay ka soo baxday isla markaana uu ka ogaaday Wax badan oo micno ugu fadhiya Dowladiisa uuna aaminsan yahay in amaanka ay ka qayb qaadan karaan aragtiyada dadka Xubno wasiiro ah oo loo saaray in ay qiimeeyaan Fikradaha dadka ee amaanka la xiriira ayaa waxaa uu ra,iisul wasaaruhu ku amray in ay Deg deg Bari kulan u yeeshaan Qodobada kulankii Maanta ka soo baxana ay ka soo talo bixiyaan .

Cabdi wali Sheikh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in kulankaan amaanka ku saabsan Ee Degmada xamar ja jab lagu qabtay uu qayb ka yahay kulamo is daba joog ah oo kan la mid ah oo lagu qaban doono Degmooyinka Muqdisho iyadoo dadka talada wax laga siinayo .

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: