read more »">
Calendar

Somalia iyo labaatan sano oo qaran la,aan ah (War-bixin)

Somalia-mapBARTAMAHA—-Xilli Sanadka Cusub Ee 2011 uu hadda noo curtay ayaa waxaa Soomaaliya u go’aya 20-sano oo laga joogo burburkii ku dhacay iyo jahawareerkii bilowday Sanadii 1991-dii xiligaasi oo dalkeena mar qura shaashada laga waayay dowladiisana ay daaqada ka baxday.

Hadii aynu wax kataabano  heerarka iyo taariikhaha uu soomaray dalka soomaaliya waxaa jirta dhibaatooyin badan oo uu dalka soomaaliya soomaray waxaana kamid ah in ay gumaysan jireen wadamo kala duwan sida ingiriiska iyo talyaaniga.

Soomaaliya waxa ay xornimada qaadatay sanadaka markuu ahaa 1960kii iyada oo dadka soomaaliyeed uu gacantooda ku soo noqday wadanka ayaa waxaa markaasi ubilaabatay nolol cusub waxayna samaysteen madaxwayne wuxuuna  ahaa madaxwanahaasi allaha u naxariistee Aadan cabdulle cismaan {Aadan cadde} waana madaxwaynihii ugu horeeyay ee soomaaliya.

adancadde

Marka laga soo tago gumaystayaashii waxaa jira in dalka soomaaliya uu kabixi waayo qalalaaso mudo 20 sano ah socday laga soo bilaabo marka uu katagay xilka madaxwaynihii hore maxamed siyaad bare ilaa hada oo uu sanadku yahay 2011 Dhicidii xukunkii Maxamed Siyaad Bare ee 1991iyo dagaaladii sokeeye ee ka danbeeyey ee ay Soomaalidu ku dad, dal iyo duunyaba beeshay waxa marka laga tago shacabkii faraha badnaa ee lagu diley ka sokow ay dagaaladaasi iyo fowdadii dabajoogtayba galaafteen jiritaanka sharafda wadanka soomaaliya oo ilaa iyo hada kajirta.

Sanadku mar kuu ahaa 17, Nov 1991dii -dagaal u dhexeeyay qabqablayaashii ay kala hogaaminayeen Maxamed Faarax Caydiid, iyo Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa waxaa kudhintay kumanaan shacab ah dagaalkaasi.

isla sanakaas bishii March 3, 1992dii qaramada midoobay ayaa soo abaabulay hishiis xabad joojin ah oo dhexmara qabqablayaashii iska soo hor jeeday balse qabqablayaashu ku hishiin waayeen sida xabad joojinta loo maarayn lahaa.siad-barre

3,Oct  1993dii - ciidamadamo gaaraya sideed iyo tobanka oo ka tirsanaa ciidamadii maraykanka iyo hal askari oo malaysian ah ayaa ku dhintay iyadoo ladhaawacay 74 kale oo maraykan ah dhacda daasina waxa ay ka danbaysay kadib markii labo helicompter oo uu maraykanka leeyahay lagu sooriday magaalada muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya islamarkaana askartii ladilay maydadkoodiina lagu jiiday wadooyinka muqdisho    raykanka iyo hal askari oo Malaysian ah  ayaa la diley, waxaana la dhaawacay 74 Maraykan ah kaddib markii Muqdisho lagu soo ridey oo Maraykanku leeyahay, meydkii askarta la dileyna lagu jiidey wadooyinka Muqodisho sanadka markuu ahaana bishii  March 28, 1994dii – waxaa si rasmi ah loo soo afjaray hawlgalkii Maraykanku uu ka wadey dalka Soomaaliya.

Madaxwaynihii here ee dalka soomaaliya allaha u naxariistee Maxamed Siyaad barre ayaa ku geeriyoodey magaalada Leegos ee wadanka  Nigeria sanadku markuu ahaa Jan 2, 1995.isla sanadkaasi ayaa ciidamada badda ee Maraykanka iyo ciidamada Talyaaniga ayaa ka qayb qaatay daad gurayntii ciidamadii Qaramada Midoobey lagga daad gureeyey dalka Soomaaliya.

Sanadku markuu ahaa Aug 1, 1996ii - allaha unaxariistee  Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac soo gaarey dartiis.

Makii ay ka soo wareegatay mudo sadax sano ah sanadkuna uu ahaa 2000 bishii Aug 13dii,ayaa waxaa dhidibada loo taagey dawladii kumeel gaarka ahayd, dawladaas oo la siiyey muddo saddex sano ah in ay heshiis ka dhex abuurto dadka Soomaaliyeed. iyadoo madaxwayne uu ka ahaa C/Qaasim Salaad Xasan halka uu ra’iisul wasaarena ka ahaa Cali Khaliif Galayr. sadax sano kadib waxaa lagu heshiisey axdiga kumeel gaarka ahee Soomaaliya iyo in dawladda la dhisayo ay cod-bixin dalka Soomaaliya ku gaarsiin doonto muddo shan sanadood ah, taas oo ku xigtay markii uu dhammaaday waqtigii saddexda sano ee dawladii hore ee kumeel gaarka ahayd.

Sanadka markuu ahaa Oct 10, 2004dii baarlamaanka KMG ah ayaa C/laahi Yuusuf Axmed u doortay  madaxweynaha Soomaaliya islasanadkaas bishii Nov, Madaxweynaha DFKMG ayaa ra’iisul wasaare u magcaabay Cali Maxamed Geedi. waxaana qaramada midoobay ay kulan ay ku yeesheen Nigeria ay  ku ansixiyeen in Soomaaliya loo diro ciidamo ka kala socda shan dal oo ka tirsan Afrikada Bari (IGAD) si ay dawladii Dowlada KMG ee Soomaaliya oga taageeraan sidii ay u tegi lahayd Soomaaliya. shantaas dal ayaa waxay kalaahaayeen Djibouti,Ugandha , Ethiopia, Kenya, iyo Sudan.

Sanadku markuu ahaa feb 24, 2005 – Madaxweyne C/ laahi yusuf  iyo Ra’iisul wasaare Cali maxamed geedi ayaa  markii ugu horeysey ku laabtay  wadanka Somaaliya, waxayna ka anba bexeen magaalada Jawhar waxayna safarkaasi ku soo mareen magaalooyinka Boosaaso,Baydhabo, Galkacyo, iyo Beledweyne islasanadkaas Midowga Afrika waxay ku dhawaaqeen in ay soomaaliya u diri doonaan 1,700 oo askari  kuwaasi oo ka qayb qaadanayay dib usoocelinta ammaanka iyo kala dambaynta dalka Soomaaliya.

2006 30,bishii January Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlada KMG ah ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in kulanka kowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya markii ugu horeysey lagu qabanayo magaalada Baydhabo isagoona gudoomiyahu uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Isla sanadkaas bishii June 5, 2006dii ayaa midowga Maxaakiimta Islaamiga waxa ay ku dhawaaqeen in ay la wareegeen magaalada Caasimada ah ee Muqdisho Sheikh shariif sheikh Axmed oo markaasi ahaa gudoomiyaha isbahaysiga maxaakiimta ayaa waxa uu maalintaasi balan qaaday in ay nabad iyo kala dambayn ku soocelin doonaan dalka soomaaliya islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay wadahadal la sameeyaan koox kasta iyo qof kasta iyagoo u danaynaya shacabka soomaaliyeed sidookale midowga maxaakiimta ayaa la wareegay magaalada Jawhar oo ay ku sugnaayeen qabqablayaashii dagaalka kula jiray maxaakiimta islaamiga.

Bishii June,2007-dii waxaa magaalada nairobi ee dalkani kenya ku geeriyooday allaha unaxariistee madaxwaynihii ugu horeeyay ee soomaaliya Aadan cabdulle cismaan {Aadan cadde} isla sanadkaas bishii October 29kii ayaa Ra’isul wasaare Cali Maxamed Geeddi iska casilay xikii ra’isulwasaare nimo oo uu markaasi u hayay Dowlada KMG ah ee soomaaliya ka gadaal markii uu khilaaf ka dhaxdhashay isaga iyo madaxwaynihii markaasi talada hayay ee C/laahi Yusuf Axmad.

Sanadka markuu ahaa 29,Dec, 2008 ayaa waxaa xilka si rasmi ah iskaga casilay madaxwaynihii DFKMG ee soomaaliya C/laahi yusuf axmad kadib markii uu buuq fara badan soo kaladhaxgalay isga iyo Ra’isul wasaarihii xiligaas talada hayay ee Nuur xasan xuseen {Nuur cadde} .

Sanadka markuu ahaa 30, Jan,2009kii ayaa waxaa madaxwaynaha dalka soomaaliya loo doortay sheikh shariif sheikh axmad kadib markii ay xubnaha Baarlamaanka DFKMG ee soomaaliya ay kulan  ku yeesheen magaalada jabuuti ee dalka jabuuti waxaana jagada madaxti nimada kula tartamayay musharaxiin fara badan iyadoo uu kaalinta koowaad uu galay madax wayne sheikh shariif tan labaadna uu galay maslax maxamed siyaad bare islasanadkaas bishii Fer 13,dii madaxwaynaha dawlada K.M.G. ee soomaaliya sheikh shariif sheikh axmad ayaa Ra’isul wasaare u magacaabay  Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.waxaana ka soo hor jeestay dowladda maxkamadaha islaamiga ee garabka casmara oo uu hogaaminayay xasan daahir aways sidookale waxaa ka soo horjeestay ururka al shabaab oo uu hogaaminayay axmad godane islmarkaasna weeraro fara badan ay ku qaadeen dowlada K.M.G.ee soomaaliya iyadoo bishii jan,2009 ay kadheceen dagaaladii ugu kululaa ee soomara magaalada muqdosho ee caasimada soomaaliya.

21Sep  2010 ayaa waxaa iscasilay Ra’isulwasaarihii dawlada KMG ee soomaaliya  Cumar C/rashiid Cali Sharma’ake iyadoo isla sanadka 2010 ,bishii Oct uu madaxwaynaha dawlada KMG Sheikh shariif sheikh axmad umagacaabay Ra’isulwasaare Maxamad C/laahi farmaajo oo ilaa iyo hada ah Ra’isulwasaaraha dowldda kumeel gaarka ah ee soomaaliya islamarkaana xukuumadiisu ay ka soo horjeedaan ururka al shabaab ee kadagaalama koofurta soomaaliya iyagoo gooba farabadan oo kamid ah koofurta soomaaliya ay ka taliyaan ururkaasi waxaana bishii Dec 2010 ururkii xisbul islaam oo uu hogaaminayay xasan daahir aways isla markaana ka soo horjeeday dowladda K.M.G. ee soomaaliya uu kubiiray kooxda al shabab hada oo uu dhashay sanadka cusub ee 2011 ayaa dalka soomaaliya waxaa wali kasoconaya dagaalo aan kala go,lahayn waxayna dagaaladaas inta badan wax yeelo farabadan ay ka soogaaraan dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan.

Iyadoo hada uu biloowday sanadka cusub ee 2011 ayaa sanadkii aynu ka soo gudubnay ee 2010 dalka soomaaliya waxaa u go,ay 20 sano oo dagaal ah mana jiraan wax saan saan nabadeed ah ama daganansho ah oo hada dalka soomaaliya ka soo muuqda dagaaladana waxay umuuqdaan kuwo  maalinba maalinta kadambaysa cirka isku sii shareeraya waxaana somaliya ka jira mudo 20sano ah jahwareer siyaasadee oo uu kabixi waayay.

Hadii aynu wax kataabano  heerarka iyo taariikhaha uu soomaray dalka soomaaliya waxaa jirta dhibaatooyin badan oo uu dalka soomaaliya soomaray waxaana kamid ah in ay gumaysan jireen wadamo kala duwan sida ingiriiska iyo talyaaniga.

soomaaliya waxa ay xornimada qaadatay sanadaka markuu ahaa 1960kii iyada oo dadka soomaaliyeed uu gacantooda ku soo noqday wadanka ayaa waxaa markaasi ubilaabatay nolol cusub waxayna samaysteen madaxwayne wuxuuna  ahaa madaxwanahaasi allaha u naxariistee Aadan cabdulle cismaan {Aadan cadde} waana madaxwaynihii ugu horeeyay ee soomaaliya.

Marka laga soo tago gumaystayaashii waxaa jira in dalka soomaaliya uu kabixi waayo qalalaaso mudo 20 sano ah socday laga soo bilaabo marka uu katagay xilka madaxwaynihii hore maxamed siyaad bare ilaa hada oo uu sanadku yahay 2011 Dhicidii xukunkii Maxamed Siyaad Bare ee 1991iyo dagaaladii sokeeye ee ka danbeeyey ee ay Soomaalidu ku dad, dal iyo duunyaba beeshay waxa marka laga tago shacabkii faraha badnaa ee lagu diley ka sokow ay dagaaladaasi iyo fowdadii dabajoogtayba galaafteen jiritaanka sharafda wadanka soomaaliya oo ilaa iyo hada kajirta.

Sanadku mar kuu ahaa 17, Nov 1991dii -dagaal u dhexeeyay qabqablayaashii ay kala hogaaminayeen Maxamed Faarax Caydiid, iyo Cali Mahdi Maxamed ayaa waxaa kudhintay kumanaan shacab ah dagaalkaasi.

isla sanakaas bishii March 3, 1992dii qaramada midoobay ayaa soo abaabulay hishiis xabad joojin ah oo dhexmara qabqablayaashii iska soo hor jeeday balse qabqablayaashu ku hishiin waayeen sida xabad joojinta loo maarayn lahaa.

3,Oct  1993dii – ciidamadamo gaaraya 18.000-kun  oo ka tirsanaa ciidamadii Maraykanka iyo hal askari oo Malaysian ah ayaa ku dhintay iyadoo ladhaawacay 74 kale oo maraykan ah dhacda daasina waxa ay ka danbaysay kadib markii labo Helicompter oo uu maraykanka leeyahay lagu sooriday magaalada muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya islamarkaana askartii ladilay maydadkoodiina lagu jiiday wadooyinka muqdisho    raykanka iyo hal askari oo Malaysian ah  ayaa la diley, waxaana la dhaawacay 74 Maraykan ah kaddib markii Muqdisho lagu soo ridey oo Maraykanku leeyahay, meydkii askarta la dileyna lagu jiidey wadooyinka Muqodisho sanadka markuu ahaana bishii  March 28, 1994dii – waxaa si rasmi ah loo soo afjaray hawlgalkii Maraykanku uu ka wadey dalka Soomaaliya.

Madaxwaynihii here ee dalka soomaaliya allaha u naxariistee Maxamed Siyaad barre ayaa ku geeriyoodey magaalada Lagos ee wadanka  Nigeria sanadku markuu ahaa Jan 2, 1995.isla sanadkaasi ayaa ciidamada badda ee Maraykanka iyo ciidamada Talyaaniga ayaa ka qayb qaatay daad gurayntii ciidamadii Qaramada Midoobey lagga daad gureeyey dalka Soomaaliya.

Sanadku markuu ahaa Aug 1, 1996ii – allaha unaxariistee  Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac soo gaarey dartiis.

Makii ay ka soo wareegatay mudo sadax sano ah sanadkuna uu ahaa 2000 bishii Aug 13dii,ayaa waxaa dhidibada loo taagey dawladii kumeel gaarka ahayd, dawladaas oo la siiyey muddo saddex sano ah in ay heshiis ka dhex abuurto dadka Soomaaliyeed. iyadoo madaxwayne uu ka ahaa C/QaasimSalaad Xasan halka uu ra’iisul wasaarena ka ahaa Cali Khaliif Galayr. sadax sano kadib waxaa lagu heshiisey axdiga kumeel gaarka ahee Soomaaliya iyo in dawladda la dhisayo ay cod-bixin dalka Soomaaliya ku gaarsiin doonto muddo shan sanadood ah, taas oo ku xigtay markii uu dhammaaday waqtigii saddexda sano ee dawladii hore ee kumeel gaarka ahayd.

Sanadka markuu ahaa Oct 10, 2004dii baarlamaankaFKMG ayaa C/laahi Yuusuf Axmed u doortay  madaxweynaha Dowlada KMG ee Soomaaliya islasanadkaas bishii Nov, Madaxweynaha DFKMG ayaa ra’iisul wasaare u magcaabay Cali Maxamed Geedi.

waxaana qaramada midoobay kulan ay ku yeesheen Nigeria  ku ansixiyeen in Soomaaliya loo diro ciidamo ka kala socda shan dal oo ka tirsan Afrikada Bari (IGAD) si ay dawladii KMG ee Soomaaliya oga taageeraan sidii ay u tegi lahayd Soomaaliya. shantaas dal ayaa waxay kalaahaayeen Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, iyo Sudan.

Sanadku markuu ahaa feb 24, 2005dii - Madaxweyne C/ laahi yusufu  iyo Ra’iisul wasaare Cali maxamed geedi ayaa  markii ugu horeysey ku laabtay  wadanka Somaaliya, waxayna ka anba bexeen magaalada Jawhar waxayna safarkaasi ku soo mareen magaalooyinka Boosaaso,Baydhabo, Galkacyo, iyo Beledweyne islasanadkaas Midowga Afrika waxay ku dhawaaqeen in ay soomaaliya u diri doonaan 1,700 oo askari  kuwaasi oo ka qayb qaadanayay dib usoocelinta ammaanka iyo kala dambaynta dalka Soomaaliya.

2006 30,bishii January Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlada FKMG ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in kulanka kowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya markii ugu horeysey lagu qabanayo magaalada Baydhabo isagoona gudoomiyahu uu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Isla sanadkaas bishii June 5, 2006dii ayaa midowga maxaakiimta islaamiga waxa ay ku dhawaaqeen in ay la wareegeen magaalada Caasimada ah ee Muqdisho sheikh shariif sheikh axmed oo markaasi ahaa gudoomiyaha isbahaysiga maxaakiimta ayaa waxa uu maalintaasi balan qaaday in ay nabad iyo kala dambayn ku soocelin doonaan dalka soomaaliya islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay wadahadal la sameeyaan koox kasta iyo qof kasta iyagoo u danaynaya shacabka soomaaliyeed sidookale midowga maxaakiimta ayaa la wareegay magaalada Jawhar oo ay ku sugnaayeen qabqablayaashii dagaalka kula jiray maxaakiimta islaamiga.

Bishii June,2007dii waxaa magaalada nairobi ee dalkani kenya ku geeriyooday allaha unaxariistee madaxwaynihii ugu horeeyay ee soomaaliya Aadan cabdulle cismaan {Aadan cadde} isla sanadkaas bishii October 29kii ayaa Ra’isul wasaare Cali Maxamed Geeddi  iska casilay xikii ra’isulwasaare nimo oo uu markaasi u hayay DFKMG ee soomaaliya ka gadaal markii uu khilaaf ka dhaxdhashay isaga iyo madaxwaynihii markaasi talada hayay ee C/laahi yusuf axmad.

Sanadka markuu ahaa 29,Dec, 2008 ayaa waxaa xilka si rasmi ah iskaga casilay madaxwaynihii DFKMG ee soomaaliya C/laahi yusuf axmad kadib markii uu buuq fara badan soo kaladhaxgalay isga iyo Ra’isul wasaarihii xiligaas talada hayay ee Nuur xasan xuseen {Nuur cadde} .

Sanadka markuu ahaa 30, Jan,2009kii ayaa waxaa madaxwaynaha dalka soomaaliya loo doortay sheikh shariif sheikh axmad kadib markii ay xubnaha Baarlamaanka DFKMG ee soomaaliya ay kulan  ku yeesheen magaalada jabuuti ee dalka jabuuti waxaana jagada madaxti nimada kula tartamayay musharaxiin fara badan iyadoo uu kaalinta koowaad uu galay madax wayne sheikh shariif tan labaadna uu galay maslax maxamed siyaad bare.

Isla sanadkaas bishii Fer 13,dii madaxwaynaha dawlada K.M.G. ee soomaaliya sheikh shariif sheikh axmad ayaa Ra’isul wasaare u magacaabay  Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.waxaana ka soo hor jeestay dowladda  maxkamadaha islaamiga ee garabka casmara oo uu hogaaminayay xasan daahir aways sidookale waxaa ka soo horjeestay ururka al shabaab oo uu hogaaminayay axmad godane islmarkaasna weeraro fara badan ay ku qaadeen dowlada K.M.G.ee soomaaliya iyadoo bishii jan,2009 ay kadheceen dagaaladii ugu kululaa ee soomara magaalada muqdosho ee caasimada soomaaliya.

21Sep  2010 ayaa waxaa iscasilay Ra’isulwasaarihii dawlada K.M.G.ee soomaaliya  Cumar C/rashiid Cali sharmaake.

Isla sanadka 2010 ,bishii Oct uu madaxwaynaha dawlada K.M.G. Sheikh shariif sheikh axmad umagacaabay Ra’isulwasaare Maxamad C/laahi farmaajo oo ilaa iyo hada ah Ra’isulwasaaraha dowldda kumeel gaarka ah ee soomaaliya islamarkaana xukuumadiisu ay ka soo horjeedaan ururka al shabaab ee kadagaalama koofurta soomaaliya iyagoo gooba farabadan oo kamid ah koofurta soomaaliya ay ka taliyaan ururkaasi.

Waxaana bishii Dec 2010 ururkii xisbul islaam oo uu hogaaminayay xasan daahir aways isla markaana ka soo horjeeday dowladda K.M.G. ee soomaaliya uu kubiiray kooxda al shabab hada oo uu dhashay sanadka cusub ee 2011 ayaa dalka soomaaliya waxaa wali kasoconaya dagaalo aan kala go,lahayn waxayna dagaaladaas inta badan wax yeelo farabadan ay ka soogaaraan dadka rayidka ah oo aan waxba galabsan.

Balse su,aasha taagan ayaa waxa ay tahay maadaama uu labaatan sano ku jiray dalka soomaaliya jahwareer siyaa sadeed mala oran karaa waxaa dhici doona  sanadada soosocda is badal siyaasadeed ?

NAJMA CALI MAXAMED

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: