Somali World Peace Day (Maalinta Caalamiga Ee Nabada Soomaaliya)
Minneapolis: waxaa lagag dhawaaqay maalinta Caalamiga ah ee loogu baqayo Nabada Soomaaliya oo ay ururo isu tegay soo abaabuleen oo ay ka mid yihiin urur ay hogaaminayso dhalinyaro  lana  baxay Wajiyada Cusub Ee Maraykanka ( The New Faces of America) waxaa hor kahaya Abdifatah Abdinuur, iyo dhalinyaro badan oo la abaabulaysa Barnaamijka iyo ururkaba.
Abdifataax oo aan kula kulamay xaflada u ahayd hor baxan barnaamij kan wayn ee Maalinta Nabadayta Soomaaliya, oo dhacay Maalintii Axadii una haa gogol dhig maalinta Soo socota ee May 23 Keeda baa wuxuu ii sheegay in maalinta 23 May ay rabaan tiro tayaleh in ay tusaan Soomaalidu dadkaan la degan Gobolka ingoo tusayna in aan diyaar u nahay in aan ka qay qadano nabadaynta wadan keena tusnona caalamka in aan Nabad diyaar u nahay.
Maxaa yeelay maalintan  waxaa soo qaban qabiyey hayada weyn ee la yiraahdo Lift Kids oo Bandhig weyn u samaynaysa Wadamo badan oo ay Soomaalidu ka mid tahay oo ay ku soo bandhigayaan dhaqamadooda, Soomaalida oo maalintaa ugu badan wakhtiga ay goobta haysanayaan wuxuu ii sheegay Abdifataax in ay diyaariyeen barnaamijyo isugu jira Hido iyo Dhaqan Ciyaaro iyo weliba Faniinta ugu Shidan gobolkan.
Waxaa lagu qabanayaa siduu ii sheegay Abdifataax Goobta weyn ee lagu qabto barnaamijyada ugu waaweyn Gobolkan Minnesota oo layiraahdo Target Center wuxuu ii sheegay in Soomaalida Minnesota in lagu qiyaaso Numbar badan taas oo dadku ay mar mar yasaan oo yirahdaan Soomaalidu kuma badna Gobolka waxaase la ogaan doonaa Habeen May 23 keeda iyo in aan Meeshaas soo buuxino.
Waxay dhalinyarada qaar kaloo ka midi ii sheegeen in ay rajaynayaa in la imandoono oo ka heleen dadwayna riyaaqid wanaagsan oo ay dadku u dhuun taagayaan barnaamijkan cusub oo aan hore loo qaban jirin oo weliba ku saabsan wanaag iyo nabad sidii loogu heli lahaa dalkeen iyo dadkeena.
Daawo Sawirada Kale
Comments
comments