Calendar

Somali Orphans Charity oo deeq raashin ah gaarsiiyay Kaamka Qulqul Deegaanka Xaawa Cabdi duleedka Muqdisho(Daawo Sawirada).

DSC02902Bartamaha(Muqdisho):-Deeq lacageed oo raashin ahaan maanta loo gaarsiiyay Caruurta agoont ah ee ku dhaqan Kaamka Qulqul oo dha Deegaanka Xaawa Cabdi halkaasi oo dhibaato xagga nolosha ah ay ka jirtay.

Ururka Somali Orphans Charity-Ummul Quraa oo ay ku midaysanyihiin qaar ka mida Jaaliyada Soomaaliyeed ee  ee dalka Britain kuwaasi oo iska soo uruuriyay lacag dhan 800-$ taasi oo raashin ahaan loo gaarsiiyay Caruurta agoonta ah.

Caruurtan Maanta Deeqda raashinka ah la gaarsiiyay ayaa waxa ay yihiuin kuw ku xaraysan Xerada Kaamka Qulqul oo ay goob wax barasho uga fureen madaxda jalaiyiyadaasi soomaaliyeed ee Britain.

Deeqda Lacageed oo gaaraysay 800$ ayaa waxaa raashin ahaan loogu qeybiyay Caruurta Agoonta ah waxaana la gudoonsiiyay raashinka oo lacag ahaan u dhigmayay 500$ taasi oo kala gaartay dhammaan caruurta oo mid waliba la siiyay 10-Kiilo oo Bariis ah iyo 10-Kiilo oo sokor ah.

Madaxa Kaamka ay ku noolyihiin caruurta ee Qulqul Sheekh Maxamed Xuseen Cadaawe ayaa u sheegay saxaafada in lacagta kale oo gaaraysa 300$ ay goobta ku gudoonsiiyeen Saddex Macalin oo ka shaqeysa Goob waxbarasho oo School iyo Dugsi Qur’aan leh.

Sheekh Maxamed  ayaa uga mahadceliyay Somali Orphans Charity Ummul-Quraa gacanta ay xilli waliba siiyaan dadka dhibanayaasha ah gaar ahaan Caruurta agoorna ah ee ku dhaqan Xaawa Cabdi.

Khadiija Shiilaale iyo Caasho Mantaaney ayaa wakiilo ka ahaa Haweenka Somali Orphans Chartity Ummul quraa oo lacagtaasi ka soo diray Dalka Britain iyagoo sheegy in ay sii wadayaan garab qabashada dhibanayaasha.

Madaxa Kaamka Qulqul Sheekh Maxamed Xuseen ayaa ugu dambayn ugu baaqay jaaliyadaha soomaliyeen in ay gacan ka siiyaan dhammaan qalabka waxbarashada oo ka maqan iyo dhismayaasha Caruurta ay ka soo toosaan oo dhibaata ay ka haysato.

Caruurta ayaa waxa ay yihiin ku ku dhiiran waxbarashada oo ay gacan ka siiso Ummul Quraa waxa ayna u baahanyihiin in laga saacido nolosha guryaha ay ku noolyihiin oo xiligan la galayo waqtiga roobka islamarkaana aanay haysan gabaad goob ay ka dhigtaan.

Daawo Sawirada:-

DSC02887

DSC02896

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: