Somali Contact Group oo ka shiraysa arimaha Somalia.
Bartamaha (Madrid):- Kulan balaaran oo ay yeelanayaan Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Arimaha Soomaaliya ayaa ka dhacaya Magaalada Madrid Ee Dalka Spain.
Waxaa maalinta berri ah lagu wadaa in uu ka furmo dalka Spain shirkii kooxda la baxday xiriirka Soomaaliya ee Contact Group, waxaana shirkaasi shir guddoomin doona ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
Shirka ayaa la sheegay in looga hadli doono xaaladda dalka Soomaaliya iyo sida xal loogu heli karo arrimaha murugsan ee ka taagan Soomaaliya, lamana oga waxa uu kaga duwanaan doono kuwii ka horreeyey oo go’aamadii ka soo baxay aysan soo dhaafin halkii lagu gaaray.
Kooxdan oo ay ku jiraan dalalka Mareykanka, Yurub, Afrika iyo Carab ayaa muddo ku dhow 20-jeer ka shiray arrimaha dalka Soomaaliya mana jirto ilaa hadda wax la taaban karo oo ka soo baxay.
Dhammaan Shirarkan ayaa waxa ay yihiin kuwa ay agaasimayaan Kooxdaasi Somali Contact Group ayaa marar badan dhaqaale loogui yaboohay dowlada kuwaasi oo weli aan la siinin dowlada.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Kala xiriir:-
Comments
comments