Siyaasiyiin dhaliilay dowladda Soomaaliya, Maxay tahay Sababta??
Siyaasiyiinntan ayaa waxaa horboodayo Dr C/raxmaan Macallin Baadiyow oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed asagoona sheegay in ay kulan ku yeesheen Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda , Kulankaasina ay ku salaamayeen Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmedd balse waxa uu tibaaxay in ay dhaliil u hayaan dowladda Soomaaliya , isagoo carabka ku dhuftay in dhanka Ammaanka uu jiro farqi u dhexeeya markii hore iyo iminka , waxaana uu carabka ku adkeeyay in ay badanyihiin dhaliilaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Cali Max’ed Geedi iyo Cali Khaliif Galeyr oo Ra’isal Wasaarayaal ka soo noqday Xukuumado kala duwan ayaa iyana waxa ay sheegeen in aysan Mucaarad aheyn hase ahaatee ay lagama maarmaan tahay in la sheego wixii gef ah ee ka dhacay Dowladda Soomaaliya.
Sikastaba Magaalada Kampala ee Dalka Uganda ayaa Maalmihii la soo dhaafay waxaa ka socday kulamo kala duwan oo u dhexeeya Masuuliyiin ka kala tirsanaa dowladihii kala duwanaa ee soo maray dalka Soomaaliya.
Comments
comments