Calendar

Sirta iyo Sababta ka danbaysa Wasiirada iska Casilaya Xilalkooda(Xog Sir ah).

WasiirasadaBartamaha(Muqdisho):-Sida Wararka soo baxayay ay sheegayaan waxaa furmay albaabka is casilaada Wasiirada Xukumada KMG ah Ee Soomaaliya oo qaar badan oo ka mida ay booska sii baneeyeen.

Is casilaada Wasiirada Dowlada KMG ah ayaa waxaa bilaabay Wasiirka Maaliyada Dowlada KMG ah Shariif Xasan Sheekh Aadan oo baadi goob ugu jiray helitaanka xilkii laga tuuray Saddex sano ka hor oo uu dib u helay.

Shariif Xasan waxa uu Xukumada ka haayay Xil muhiim ah kaasi oo ahaa Wasiirka Maaliyada Dowlada KMG ah Ee Soomaaliya oo aan in muddo ah lala xisaabtamin ka dib markii jagadaasi uu qabtay.

Muddo yar ka dib waxaa xilkii iska casilay Wasiirkii Shaqada iyo Shaqaalaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo isaguna u hanqal taagay xilka Gudoomiye xigeenka 1-aad Ee Baarlamanka.

Sidoo kale waxaa is casishay Khadija Maxamed Diiriye Wasiiradii Hormarinta reer Miyiga,dhirta iyo Daaqa oo ka mid ahayd Wasiirada ugu firfircoon Xukumada Cumar C.rashiid Sharma’arke taasi oo xilka iska casishay markii ay damacday qabashada Xilka Ku xigeenka 1-aad ee gudoonka Baarlamanka.

Doorashadii xilalka Gudoomiyaha Baarlamanka iyo ku xigeenadiisa ayaa dhammaatay waxaana rajjo xumo ay soo wajahday wasiira badan oo xilalkooda ka doortay hammi kale oo siyaasadeed balse ku soo hungoobay.

Warar hoose ayaanu ku helnay in Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu doonayo xil ka qaadista Cumar C/rashiid Ra’iisul wasaaraha Xukumada KMG ah Ee Soomaaliya oo Madaxweynaha ay isku dhaceen.

Kaartada siyaasadeed ee xiligan la ciyaarayo ayaa waxa ay noqotay mid la yaab ku abuurtay rag badan oo ka mida Madaxda Dowlada iyo dhammaan Xildhibaanada u dhuun duleela qaabka ay wax u jiraan iyo Khilaafka taagan.

Sida masuuliyiin lagu kalsoonyahay ay www.Bartamaha.Com uga sheekeeyeen qaabka ay wax u socdaan waxa ay sheegeen in Wasiirada Maanta is casilay oo kala ah:-

Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Maxamed C/laahi Oomaar

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xasan Macalin

Iyo Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Yuusuf Indha Cadde ay dhammaan yihiin masuuliyiin ka soo horjeeda sii haynta xilka ee Dr.Cumar C/rashiid Sharma’arke.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Khilaaf xoog badan uu xiligan taaganyahay kaasi oo u dhexeeya Madaxweyne Shariif iyo Ra’iisul Wasaare Sharma’arke.

Labada Masuul ee ugu sareysa dalka ayaa waxaa la sheegayaa in khilaafkooda uu salka ku hayo la xisaabtanka Xukumada KMG ah,soo dhisida Xukumad cusub iyo arimo hoose oo labada masuul ay isku hayaan oo illaa haatan aan soo shaac bixin.

Hadaba Is casilaada Wasiiradan ayaa waxaa lala xiriirinayaa arimaha ka socanaya Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyadoo lagu wado in booska laga saaro Mr.Sharma’arke iyadoo aan Xukumadiisa la hor gaynin Baarlamanka si loo xisaabiyo maadaama Wasiira badan ay booska iska casileen.

Qorshaha xilka si daganaan ah looga tuurayo Dr.Cumar C/rashiid ayaa waxaa la sheegayaa in xilli hore ay diyaarsanayd ka hor doorashada Shariif Xasan oo Xukumadaasi xilkii uu ka hayay iska cisilay.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in Wasiiro badan oo harsan ay is casilaan maadaama rag muhiim ah ay xilalkooda iska casileen taasi oo ka dhigan qorshe Xukumada Soomaaliya ay Xisaab la’aan meesha uga baxayso iyo Xukumad hor leh oo la soo magacaabayo.

Wararka soo baxayana waxa ay muujinayaan in Booska Ra’iisul Wasaaranimada laga badalayo Dr.Cumar C/rashiid oo Masuul kale dhawaanla magacaabi doono markii ay dhamaman Wasiirada si kala gooni ah isku casilaan.

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: