Sirdoonka Norway oo sheegay inay isku dayeen inay waaniyaan Cabdi Xassan Dhuxulow
Sirdoonka Norway ayaa sheegay in dhowr jeer ay isku dayeen inay ku qanciyaan Xasan Cabdi Dhuxulow oo la tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa ragii bishii hore weeraray Xarunta Ganacsiga Westgate inay ka soo leexiyaan inuu ku biiro kooxaha jihaad doonka ah.
Madaxda Sirdoonka Norway ee loo soo gaabiyo PST Haweeneyda lagu magacaabo Marie Benedicte ayaa sheegayn in dhowr jeer ay la kulmeen Xasan Cabdi Dhuxulow.
Haweeneyda ayaa sheegtay inay waaniyeen Xasan, si ay uga joojiyaan inuu ku biiro Islaamiyiinta, iyadoo wali Sirdoonka Norway uu wado baaritaanka la xiriira inuu ka qeyb qaatay weerarkii Westgat.
Xasan Cabdi Dhuxulow ayaa isaga iyo qoyskiisa qaxooti ahaan u tageen Norway sanadkii 1999, hase ahaatee 2009-kii ayuu ka soo tagay, oo uu Soomaaliya yimid si uu uga bar bar dagaalamo Al-Shabaab.
Dhuxulow oo 23 sano jir ah, iyo rag kale ayaa loogu shakisan yahay inay gaysteen weerar afar maalmood socday oo lagu qaaday xarunta ganacsi ee Wetsgate ee Nairobi.
Al-Shabaab ayaa sheegay inuu ka dambeeyay weerarkii Westgate oo ay ku dhinteen ilaa 67-ruux
Comments
comments