Sirdoonka Kenya oo xaqiijiyay inay ka digeen weeraradii Westgate maalin ka hor markii la fuliyay
Waaxda Sirdoonka dalka Kenya ayaa waxa ay sheegtay in ay maalin kahor Ay ka digeen Weerarkii Nairobi sida laga soo xigtay Waaxda la Dagaalanka Argagaxisada ee dalka Kenya.
Waaxda Sirdoonka dalka Kenya ayaa waxa ay sheegeen in dowladda Iyo Milatarigaba ay uga digeen in Al-Shabaab ay qorshaynayaan in Weeraro ay ka gaystaan Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, lakiin aan wax micno ah loo yeelin digniintooda.
Dowlada Kenya ayaa iyadu diiday in ay Faafaahin kabixiso Warar sheegaya in Laamaha Amaanka dalka Kenya looga digay Weerarkii Nairobi Maalin kahor inta uusan dhicin, ayna dayacday digniinta kasoo yeertay Waaxda Sirdoonka dalka Kenya.
Waaxda Sirdoonka dalka Kenya ayaa sidoo kale sheegay in Xarakada AL-Shabaab ay Laamo ku leeyihiin Magaaloyinka Nairobi iyo Mombassa halkaas oo ay kasoo abaabulaan Weerarada ay ka gaystaan gudaha dalka Kenya.
Comments
comments