Sirdoonka Dalka kenya oo Su’aalo Laga Weydiinayo Weerarkii Westgate
Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in madaxda hay’adaha sirdoonka iyo Ammaanka ee dalka ay hortagaan Baarlamaanka dalka oo su’aalo ka weydiin doona weerarkii Al shabaab ku qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate mall ee Nairobi.
Qoraalo sir ah oo la shaaciyey ka hor kulanka Masuuliyiinta Amniga iyo Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in sanad ka hor dowladda Kenya looga digay weerar ay Al Shabaab ku qaado isla xarunta Westgate, iyadoo sidoo kale laga digay in Al Shabaab qorsheyneyso in dagaalyahanno u soo dirto Nairobi kuwaasi oo adeegsanaya hubka daraan dooriga u dhaca iyo Bambaanooyinka gacanta laga tuuro.
Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Dalka ayaa horey ugu dhawaaqay in tallaabooyin laga qaado hay’ada sirdoonka iyo m ee hawshooda ka soo bixi waayey, halka kuwo kale ay ku baaqeen in isbedel lagu sameeyo guud ahaan hay’adaha ammaanka ee dalka Kenya.
Comments
comments