Siminaar Mudo Shan Maalmood ah Odoyaasha Beelaha Gobolka J/hoose uga Soconayay Gudaha Magaalada Kismaayo oo Maanta lagu soo gabagabeeyay Jaamacadda Kismaayo.
Mudadii shanta Maalmood ahayd ee la soo dhaafay waxaa siminaar uu uga soconayay Jaamacadda Magaalada Kismaayo uu uga soconayay Odoyaal Dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed ee Degan Gobolka J/hoose.
Â
Siminaarkaan oo ay soo qabanqaabiyeen Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa loo qabtay odoyaasha Qabaa’illada oo gaarayay ilaa 96 oday Dhaqameed, waxaana uu ka soconayay gudaha Jaamacadda Magaalada Kismaayo.
Â
Waxaana ujeedadiisu ugu weyni ahayd in ay odoyaashu ka qeyb qaataan sidii laisugu keeni lahaa Bulshada Soomaaliyeed ee kala tagtay ayna dagaaladu u dhaxeeyeen 20kii sano ee laga soo gudbay, Maadaama Odoyaashu yihiin cida keliya ee ay dadku wax ka maqlaan islamarkaasin matali kara guud ahaanba Shacabka Soomaalida Marka la eego dhinaca Qabaa’illada.
Â
Labada dhanba hadii ay ahaan lahaayeen Maamulka oo soo qabanqaabiyay Howshaan iyo dhinaca Odoyaasha waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen natiijadii kasoo baxday Siminaarkaan, oo ay isku barteen odoyaasha Dhaqanka oo kasoo kala jeeday Beelo kala duwan kuwaas oo aan hore isu arkin, mudadii ay dagaaladu soconayeen.
Â
Waxaana ay Odoyaashu ay wacad ku mareen in ay ku camal falayaan wixii ay ku qaateen siminaarkaan, ayna ula noqonayaan Qabaa’illada ay kasoo jeedaan, iyagoo ka codsaday Maamulka in la gaarsiiyo Odoyaasha ku nool Deegaanada kale ee ka tirsan Gobolka.
Xafiiska Wararka Ee Bartamaha Kismaayo.
Comments
comments