Calendar

Siilaanyo oo lagu doonsiiyey Shahaadada P.h.D + Sawiro

Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Silaanyo ayaa loo aqoonsaday inuu mudan yahay shahaadada sare ee P.h.D.

Shahadadan waxa gudoonsiisay Jamacada Camuud oo ku taalla deeganadda Somaliland, kana mid ah jamacadaha ugu xilliga dheer Soomaaliya, waana shahaado dhaqalaha.

Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Camuud oo shahaadda gudoonsiiyey madaxweynaha ayaa sheegay in hada wixii ka danbeeyo madaxweynaha loogu yeerayo Doctor, maadama loo gartey in la siiyo shahaddada P.h.D-da.

Madaxweyne Axmed Silaanyo ayaa soo dhaweyay in shahaddan loo gartey isagoona u mahadceliyey xubnihii iyo jamacadda Camuud ee u gartey in la gudoonsiiyo.

Aqoonta Silaanyo

Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo waxa uu kamid ahaa dadkii tiradda yaraa ee markii Soomaaliya qaadanaysay xoriyadda dalka uga maqnaa waxbarasho jamacadeed, waxana uu shahadadiisi ugu horeysay ka qaatey jaamacadda London u udhigtey sanadihii 1958 illaa 1960 uuna ka qaatey shahaadada waxbarashada guud.

Sanadihii 1946 ilaa 194 ayuu Silaanyo waxa uu waxbarashada dugsiga sare ku dhigtey Iskool ku yaalay Degmada Sheekh  isagoona dib ugu wareegay degmada Camuud uu ku dhameystey.

Wixii markaas ka danbeyay Silaanyo ayaa sii watey waxbarashadiisa oo shahaadada Bachelor-ka ka qaatay jaamacadda Manchester sanadkii 1960 ilaa 63 isagoona sanadihii 1963 ilaa 65 qaatay darajada Master-ka ee dhaqaalaha.

Shahadadan ayaa P.h.D ayaa Axmed Silaanyo loo siiyay si sharaf ah balse waxa qaata dadka soo haysta shahadada Master-ka kuwaas oo baaritaano dheer sameya markaasna ay jaamacad sare ay siiso.

P.h.D oo ka timid luuqadda Laatiinka ayaa waxaa laga soo gaabiyay Philosophiae Doctor.

[slidepress gallery='silaanyo-oo-lagu-doonsiiyey-shahaadada-p-h-d']

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: